Muqdisho(AGGM) Xukuumada Somalia ayaa shaaca ka qaaday iney diyaarineyso sharci dhigaya in la dhegeysan karo telefanada shaqsiyaad gaar ah oo looga shakisan yahay iney wadaan falal amaan daro oo lidi ku ah xasiloonida.Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumada Somalia C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay ka hadlayey fadhigii baarlamanka ayaa sheegay in arintan dhegeysiga telefanada ay tahay arin xasaasi ah, hase ahaatee muhiim u ah sugida amaanka Qaranka.
Waxaan Wasiirku Yiri “Shuruucda la dagaalanka argagaxisada waxaa ka mid ah sharci sheegaya in la dhegeysan karo telefanada shaqsiyaad gaar ah oo la tuhunsan yahay si loola socda dhaqdhaqaaqooda iyo waxyaabaha ay damacsan yihiin si looga hor tago abaabulka qorshayaasha khatarta gelin kara amaanka Qaranka”.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xusay in marka la dareemo xaaladaha khatarta ku ah amaanka dalka ay lama huraan tahay in la qaado talaabo kasta oo looga hortegi karo ama lagu fashilin karo.
Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumada Somalia C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhinaca kale waxaa uu sheegay iney diyaariyeen shuruucdii ay ku howlgeli lahaayeen ciidamada Booliska iyo nabad sugida Qaranka iyo waliba laanta socdaalka, kuwaasoo uu sheegay iney todobaadka soo socda u gudbin doonaan golaha wasiirada, marka ay soo ansixiyaana la horkeeni doono golaha Baarlamkanka.
Baarlamanka Somalia ayaa shalay loo qeybiyey nuqulo ku saabsan sharciga la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada kaasoo maalmo kaa dib doodiisa ay guda geli doonaan ka hor inta aysan cod u qaadin, waxaana sharcigan horey u soo ansixiyey golaha wasiirada.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com