Kismaayo(AGGM) Xaalada magaalada kismaayo ayaa saaka ah mid ka duwan sidii shalay oo nabad ahayd,waxaana saaka ka taagan xiisado colaadeed oo dagaalo hor leh saaka dhalin karra,waxaana xiisadahani kacee ka dib markii laba ruux oo la qabiil ah Siyaasiga Istiin Xasan Baasto laga afduubay xaafad ay ku badan yihiin Ciidamada Raaskambooni.
Gebi ahaanba saaka waxaa istaagay isu socodka gaadiidka dadweynaha waxaana laga cabsi qabaa in labada dhinac saaka mar kale ku dagaalamaan gudaha magaalada kismaayo,waxaana la sheegayaa in ciidamada raaskambooni labadaasui ruux afduubeen isla markaasna aan la aqoon meesha ay la aadeen.
Labada ruux ee la afduubay ayaa la sheegayaa inay ahayeen laba ruux oo shacab ah isla markaasna aan wax lug ah ku lahayn dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada kismaayo ee u dhexeyey labadaasi nin ee sheegta inay yihiin madaxweyneyaasha Jubbaland,waxaana laga cabsi qabaa in labada dhinac isku dhacaan taasi oo keeni karta dagaalo shacab kale ku naf waayaan.
Xiisadda oo kacsan awgeed waxaa goob jooge ku sugan magaalada kismaayo shaacinayaa inay labada dhinac isku aruursanayaan gudaha magaalada isla markaasna isu diyaarinayaan dagaalo hor leh oo dhex mara labada dhinac,waxaan taasi keeni kartaa in kooxahasi mar kale dagalaamaan.
Waxaa jirey dilal habeen hore ka dhacay xaafada Via Afmadow dilalkaas oo lagula kacay laba ruux oo ka soo jeeda Beesha Istiin Xasan Basto,waxaana arintaasi ka careysisay Beesha Istiin taasi oo kalfitey inay beeshu eedeyn u jeediso Kooxda Raaskambooni,waxaana laga cabsi qabaa in labada dhinac isku dhacaan.
Ugu dambeyntii labada dhinac ayaa la sheegaya ina wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo kala duwan kuwaasi oo ku aadan sidii ay mar kale fooda isu dari lahayeen,waxaana arrintaasi walaac ku abuurtey shacabka masaakiinta ah ee ku dhaqan magaalada Kisamayo ee xarunta jubadda hoose.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com