45 Ka Mid Ah Dhaawacii Raaskambooni Oo Maanta Loo Duuliyey Wajeer

0

6a00e5517ca26788340115707d77e1970cKismaayo(AGGM) Maanta duhurnimadii waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo laga duuliyey in ka badan 45 dhaawacyadii ciidamada raaskambooni ka soo gaarey dagaaladii dhawaan ka dhacay gudaha magaalada kismaayo,waxaana la sheegayaa in dhaawacaasi lagu qaaday diyaarad nooca mileteriga oo ay leeyihiin ciidamada dawlada kiiniya ee ku sugan magaalada Kisamayo.

Dhaawacan ayaa la sheegay in loo duuliyey isbitaal ciidamada cirka ee dalka kiiniya ku leeyihiin magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari ee dalka kiiniya,waxaana la sheegayaa in dhaawacaasi isugu jiraan kuwo culus iyo kuwo fudud,waxaana lagu wadaa in isbitaalka ciidamada cirka ee dalka kiiniya ku leeyihiin Magaalada wajeer lagu soo daaweyn doono.

Dhinaca kale waxaa shalay qaar ka mid ah dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmay dagaaladii kismaayo loo qaaday Magaalada muqdisho gaar ahaan isbitaalka ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho,waxaana dhaawacaasi qaaday wasiirka gaashaandhida dawlada soomaaliya iyo xildhibaano hore ugu sugnaa magaalada kismaayo.

Sidoo kale waxaa gudaha magaalada kismaayo lagu daaweynayaan dhaawacyo iyaguna waxyeelo ka soo gaartey dagaaladii kismaayo kuwaasi oo la sheegay inay qabaan dhaawacyo fudud,waxaana lagu daaweynayaan isbitaalka guud ee magaalada kismaayo oo aan wax daawo badani ahayn ay yaalaan.

Si kastey ahaataba waxaa dadku ku eedeynayaan in ciidamada Kiiniya ay garab siinayaan jabhadda raaskambooni,waxaana la sheegayaa inay maalmihi dagaaladu socdeen ay rasaas u qaybinayeen ciidamada Raaskambooni iyadoo maantana ay qaadeen dhaawacoodii isla markaasna ku soo daaweynayaan gudaha wadanka Kiiniya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com