War Deg Deg Ah: Taliyihii Amaanka Raaskambooni Oo Hadda Geeriyooday & Xiisado Ka Jira Kismaayo

0

breaking_news-620x3301Kismaayo(AGGM) Waxaa hadda gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubba Hoose ku geeriyooday Taliyihii Amaanka Ciidamada Raaskambooni oo shalay dhaawac culus ka soo gaarey dagaalkii ay la galeen ciidamadii uu hogaaminayey Istiin Xasan Baasto oo sheegta inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland.

Sarkaalkan ayaa ahaa sarkaal si weyn looga yaqaano Magaalada Kismaayo isla markaasna ka mid ahaa Saraakisha ugu firfircoon ciidamada Raaskambooni kaasi oo lagu magacaabi Jirey Col: Cawil Aadan Halac ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo shalay ka soo gaarey dhinaca dhabarka. Sidoo kale waxaa Shalay dagaalkaasi ku geeriyooday sarkaal sare oo lagu magacaabi jirey Cabdi Muuse oo isna ka tirsanaa dhinaca Axmed Madoobe.

Sarkaalkan ayaa ku geeriyooday isbitaalka Ciidamada Amisom ku leeyihiin Garroonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo halkaasi ooa y dhaawaciisa kula tacalayeen ciidamada Kiiniya,waxaana la sheegey in dhaawac badan halkaasi ay ku daawaynaynaa oo qaba  dhaawacyo kala duwan.

Sarkaalkan maanta Geeriyooday ayaa noqonaya sarkaalkii 3aad  ee ciidamada raaskambooni xil muhiim ah ka hayey isla markaasna ay galaafteen dagaaladii labada maalmood ka socday gudaha kismaayo,Waxaa shalay isna dagaalkaasi ku geeriyooday sarkaal kale oo lagu magacaabi jire Cabdi Muuse halka uu maalinimadii jimcihi isna geeriyoodey sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay Col Cago Dhiig.

Dhinaca kale Xaalada magaalada kismaayo ayaa kacsan waxaana wali jira dhaqdhaqaaayo ciidan oo ay wadaan kooxihi ku dagaalamay magaalada kismaayo,waxaana ay wali isku hor fadhiyaan degaanadii ay shalay ku dagaalameen,waxaana dhinaca ssaxafada la hadlay labada dhinac oo midba midka kale ku eedeynayo inuu dagaalkaasi masuuliyadiisa lahayeen.

Si kastey ahaataba lama sadaalin karro meesha ay cago dhigan doonto magaalada kismaayo iyadoo ay ku loolamayaa kooxo badan oo kala feker ah isla markaasna doonaya inay qolo kastaa u sareyso magaalada Kismaayo. Waxaana arrintaasi walaac xoogan ka muujiyey shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo oo jecel inay nabad ku nooladaan balse loo diidan yahay sida muuqata.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com