Kismaayo(AGGM) Dagaalkii maanta ka bilaabmay gudaha magaalada kismaayo ayaa la sheegayaa inuu hadda dib u qarxay inkastoo uu galabta qaboobay,waxaana dagaalkani la xaqiijinayaa inay ku soo biireen ciidamo kale oo garabyo kale kala tageersan,waxaana la sheegayaa in hub culus kooxaha dagaalamaya isku adeegsanayaan.
Dagaalka hadda socda ayaa xaafada calanley waxaa xaafadaasi hadda isu bedeshay meel dagaal oo lagu tilmaamayo inuu ka socdo qiyaame marka dheguhu maqlaan hubka culus ee kooxaha dagaalamayaa isweydaarsadaan,waxaana dadka xaafadda nool ku jiraan guryahood iyagoo ka cabsi qaba in hubka laysku riidayaa khasaare ka soo gaaro.
Khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay ayaa la sheegayaa inuu soo badanayo iyadoo kooxaha dagaalamayaa isku adeegsanaan rasaas culus taasi oo aanay u aabo yeeleyn meesha ay ku socoto iyo ciida ay ku ridayaan,waxaana talaabadaasi lagu tilmaamay mid aad looga xumaado iyadoo hadda dad shacab ahi ku waxyeeloobeen dagaaladaasi.
Labada dhinac ayaa dagaalki maanta ku kala qabsadey gaadiid dagaal,waxaana jira dhimasho iyo dhaawac badan oo saacadba saacada ka dambeysa soo kordhaya,waxaana isbitaalka magaalada kismaayo daqiiqad kasta la gaarsiinayaa dad shacab ah iyo dhinacyada dagaalamaya oo dagaalkaasi dhaawacyo ka soo gaareen.
Dhinaca kale ciidamada Amisom ayaa la sheegayaa inay kor ka fiirsanayaan dagaalkan kooxaha dagalamaya ku dhexmaraya wadooyinka magaalada kismaayo oo laysku cayrsanayo,mana jiran wax waanwaan ah ii ciidamadaasi ka dhex sameeyeen kooxaha dagaalamaya.
Ugu dambeyntii dagaalkan hadda qarxay ayaa u muuqda mid ay ku soo biireen kooxo kale,waxaana la sheegayaa in laga cabsi qabo inay dagaalkaasi ku biiraan Madaxweyne Bare Hiiraale Iyo Ciidamadiisu oo aan iyagu wali dhinacana la safan,waxaana kooxaha dagaalamaya la sheegayaa inay kala helayaan gurmadyo kala duwan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com