Kismaayo(AGGM)Waxaa wararku sheegayaan in dagaalkii uu soo qaboobayo,waxaana dagaalkaasi ahaa mid xoogan walow hadda uu dagaalku soo qaboobayo inkastoo dagaalku si goos goos ah uga socdo xaafado ka mid ah magaalada kismaay,waxaana dagaalkaasi sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.
Dhinaca kale Sarkaal magaciisa lagu magacaabo Col Cago-Dhiig oo ka mid ahaa saraakisha ugu sar sareysa Jabhadda Raaskambooni ayaa la xaqiijiyey inuu dagaalkaasi ku geeriyoodey,waxaana dagaalkaasi sababey in goobaha ganacsigu albaabada loo laabo iyadoo dhamaan istaageen gadiidkii dadweynuhu isla markaasna abaabul dagaal ka socdo gudaha magaalada kismaayo.
Alle ha u naxariistee Col Cago Dhiig ayaa la sheegey inuu ahaa saraakishii sida weyn ula soo dagaalamay Falaagada Alshabaab isla markaasna inta badan ciidamada Raaskambooni ka amar qaadan jireen isla markaasna tageersaneyn,waxaana la sheegey inuu ku geeriyoodey dagaalkii dhexmarey ciidamada Iftin Xasan baasto iyo Kuwa Raaskambooni.
Alle ha u naxariistee waxaa la sheegayaa in sarkaalkaasi uu hogamaaniyey ciidamadda raaskambooni,waxaana la sheegay in isla markiiba uu ku geeriyooday dagaalkaasi iyadoo sidoo kalena 1 gaari oo nooca dagaalka ciidamadiisa laga qabsadey.
Dhinaca kale Iftin Xasan Baasto oo galabta la hadlay VOA-da ayaa sheegey inuu dagaalkaasi dhacay isla markaasna isaga weerarka lagu soo qaaday,waxaana uu sheegey inuu isagu ku dadaalayo amaanka iyo kala dambeynta,waxaana uu sheegey inuu aad uga xun yahay in dagaal nasiib darro uu ku tilmaamay inuu ka dhaco kismaayo.
Ugu dambeyntii ciidamada dagaalamay ayaa la sheegayaa inay rasaas isku waydaarsanayaan fariisimaha laysku hor fadhiyo ee gudaha magaalada kismaayo,waxaana wararku intaas ku darayaan in laga cabsi qabo in dagaalo kale oo xoogan ka qarxaan magaalada kismaayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com