Kismaayo(AGGM) Waxgarad iyo Aqoonyahano ka soo jeeda gobolka Jubadda Dhexe ayaa kulan ay yeesheen sheegeyn inay ku cadeynayan inaysan taageersanayn Axmed Madoobe iyo kooxdiisa,waxaana Waxgaradkaasi sheegeen inay tageersan yihiin Dawlada federaalka ah ee soomaaliya.
Waxgaradkan oo saxafada la hadlay ayaa daboolka ka qaaday inay tageersan yihin dawlada federaalka ah ee soomaaliya,waxaana ay sheegeen inaysan dooneyn inay tageeraan kooxo dabada ku wada dawlado ajaaniib ah isla markaasna doonaya inay dalka soomaaliya qayb ka mid ah u gacan galiyaan dawlada kiiniya.
Malaaq Geedow oo ah afhayeenka waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Jubadda dhexe ayaa shaaciyey inay tageersan yihiin ciddi dawlada soomaaliya u soo xilsaarto arrimaah gobollada Jubooyinka iyo Gedo,waxaana uu sheegey in loo baahan yahay in loo hogaansamo dastuurka ay ku dhisan tahay dawlada federaalka ah ee soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu eedeyn u jeediyey Axmed Madoobe iyo Kooxdiisa waxaana uu ku tilmaamay dad aan u dhalan gobollada soomaaliya inay yihiin isla markaasna ka soo jeeda gobollada Waqooyi bari kiiniya iyo Kilinka 5-aad ee itoobiya,waxaana uu ugu baaqay inay dib ugu laabtaan degaanadii ay ka yimaadeen isla markaasna aan looga baahneyn gobollada soomaaliya inay maamulaan dad wadamo kale ka soo jeeda.
Ugu dambeyntii Malaaq Geedow waxaa uu shaaciyey inay dagaal ka xigaan in degaanadaasi ay maamulan dadka ka soo jeeda wadamada itoobiya iyo Kiiniya,waxaana uu sheegey cidda soomaaliya ay leeyihiin shacabka soomaaliyeed isla markaasna iska difaaci doonaan cid kasta oo dulaan ku soo qaada.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com