Ciidamada Puntland Oo Shalay Si Xoog Ah Kula Wareegay Gacan Ku Haynta Bangiga Dhexe Iyo Xarunta Wasaarada Maaliyada Ee Gobolka Mudug.

0

gaalkacyoGaalkacyo (AGGM): Cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland ee gaarka ka haya xaduudaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa shalay si xoog ah kula wareegay gacan ku haynta bangiga dhexe iyo xarunta wasaarada maaliyada gobolka Mudug waxayna joojiyeen gebi ahaanba shaqadii Bangiga iyo wasaarada maaliyadda xafiiskeeda magaalada Gaalkacyo.

Ciidamadan ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan mudo hal sano ah oo aysan helin wax mushaaraad ah iyadoo ay u dheertahay in laga jartay lacagihii masruufka iyo raashinkii ay ku noolaayen waxaa sidoo kale ay ka cabanayaan maamulka gobolka Mudug oo aan wax daryeel ah siin ciidamada mudo 2 sano ah, saraakiisha wata ciidamadan gacanta ku haya bangiga iyo wasaaradda maaliyadda ayaa sheegay in aysan ku qanci doonin balan qaadyo ugu yimaada dhanka maamulka gobolka iyo kan degmada oo ah in la siin doono wax ka yar inta ay haatan doonayaan waxaana ay sheegen in aysan ka tagi doonin xarumaha ay gacanta ku hayaan ilaa iyo inta dawladu ay xaqooda ka siinayso.

Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa isku dayay dhowr jeer shalay in ay ka kaxeeyaan ciidamadaasi gadoodsan xarumaha ay gacanta ku hayaan balse sida la sheegay way ka biyo diideen iyagoo guud ahaanba jaray wadooyinka soo gala xarumaha ay gacanta ku hayaan oo ku yaala bartamaha magaaalada Gaalkacyo.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ciidamo ka tirsan daraawishta Puntland ay gadood caynkan ah sameeyaan waxaa dhawaan jidgooyooyin dhigtay duleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ciidamo ka tirsan Daraawishta oo lacago iskood ah uga qaata dhamaan baabuurta isticmaasha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe.

Maamulka Puntland ayaa ilaa haatan wax war ah ka soo saarin ciidamadan gadoodsan ee la wareegay qaar ka mid ah xarumahamaamulka ee gobolka Mudug iyadoo dhawaana Dekada magaalada bosaaso iyo xarumo kale ay la wareegen ciidamo ka gadoodsan mushar la’aan iyadoo ay sii kordhayaan baryan dame gadoodka ay sameynayaan ciidamada puntland oo ka cabanaya mushaar la,aan iyo gu,nooyinkii la sii jiray oo muddo badan ka maqan.

Maxamed Saciid Cumar
Gaalkacyo, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com