Sanca(AGGM) Sida laga soo xiganayo Sirdoonka dalka Yemen ayaa sheegaya in dhawaan dooni siday shixnad hub ah lagu qabtey xeebaha dalka Yemen doontaas oo la sheegey inay ka shiracatey xeebaha jubadda Hoose gaar ahaan Jasiiradda Raaskambooni ee gobolka Jubadda hoose,waxaana la sheegey in doonidaasi loo waday kooxaha la dagaalama dawlada Yemen ee xiriirka la leh Al-qaacida.
Ciidamada Sirdoonka dawladda Yemen ayaa sheegey inay doonidaasi sidey in ka badan 12 Konteenar oo hub ah kuwaasi oo isugu jira AK47,BKM & walxaha qarxa,waxaana la sheegey in konteeneradaas laag helay cadeymo cadeynaya in doonidaasi ay ka soo shiraacatey gobolka Jubbadda Hoose gaar ahaan jasiiradda Raskambooni.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in doonidaasi laag direy markii hore xeebta magaalada kismaayo isla markaasna ay hub kale ka soo qaaday Jasiiradda Raaskambooni,waxaana wararku xaqiijinayaan in Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Axmed Madoobe oo hore uga tirsnaan jirey Alshabaab isla markaasna uu ka mid yahay Sarkaal lagu magacaabo Shiikh Isaaq uu qayb ka yahay masuuliyinta doonidaasi direy una direy dalka Yemen.
Shiikh Isaaq ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa sarakiishii Alshabaab ee magaalada kismaayo ,waxaana la sheegey in markii magaalada laga saarey Alshabab uu isagu ku harey isla markaasna ay isku hayb yihiin Axmed Madoobe,waxaana hadda la xaqiijinayaa inu ka mid yahay masuuliyiinta dekedda Kismaayo.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in doonidaasi hubka ah loo direy kooxda Al-qaacida ee la dagaalanta dawlada wadanka Yemen,waxaana la shaacinayaa in cadeymo la hayo in doonidaasi dhawaan ka shiraacatey Jasiiradda Raaskambooni oo ay hadda maamulaan Saraakisha Alshabaab uu ugu horeyo Shiikh Xasan Turki oo ka mid ah masuuliiyiinta ugu mayalka adag ee ku abtirsada Al-qaacida.
Sidoo kale warbixinta Sirdoonka dalka Yemen heleen ee ku aadan in doonidaasi ka soo shiraacatey jubadda hoose ayaa xaqiijinaya in Masuuliyiinta raaskambooni ee ku sugan magaalada kismaayo ay ku jiraan rag hore uga tirsanaan jirey Alshabaab kuwaasi oo lagu wado in sirdoonka dalka Yemen soo bandhigaan magacyadooda.
Si kastey ahaataba waxaa laga tuhun qabay in kooxda Axmed Madoobe xiriir dhaw la leedahay Alshabaab,waxaana wararkan hadda dalka Yemen ka soo baxayaa cadeynayaan in Axmed Madoobe ragga la socda ama la maamulaa jabhadiisa Raaskambooni ay xirir dhaw leeyihiin ururka Al-qaacida ee ka dagaalama daafaha caalamka.
Iska Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com