War Deg Deg Ah: Faroole Oo La Sheegey Inuu Hadda Kismaayo Soo Gaarey

0

Breaking News imageKismaayo(AGGM) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa la sheegayaa inuu hadda soo gaarey garoonka magaalada kismaayo iyadoo aan laga war hayn safarkiisa ku aadan inuu yimaado magaalada Kismaayo,waxaana hore dhinaca degaanada Puntland saaka looga shaaciyey inuu u duulayey magaalada Nairobi.

Wararkan ayaa ah mid aysan hubin warbaahinta Allgalgaduud balse waxaa nagu maqaalo ah inuu saaka ka duulay Magaalada Garoowe una duuley dhinaca magaalada Nairobi,waxaanse la ogeyn safarkan dhuumashada ah ee uu faroole ku yimi magaalada kismaayo hadii ay dhab tahay.

Madaxweyne Faroole oo markii uu ka duulayey magaalada garoowe maanta saxafada u sheegey inuu u dhoofayo magaalada Nairobi ayaan la ogeyn sababta ka dambeysa inuu safarkiisa qariyo iyadoo hadii ay taasi jirto uu cabsi xoogan ka qabo in ciidamada dawlada soomaaliya ku sugan kismaayo talaabo ka qaadaan.

Si kastey ahaataba Shabakadda Allgalgaduud waxay ku hawlan tahay sidii ay idinku soo gudbin lahayd xaqiiqda dhabta ah ee ku aadan warkaasi walow aanan hubin inuu jiro iyo in kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com