Garoowe( AGGM) Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo caawa ka qayb galay barnaamij Su,aalo ahaa oo ay qabatey Hay’adda PDRC ee magaalada Garoowe ayaa ka jawaabay su,aalo ay dadkii barnaamijkaasi ka soo qayb galey waydiiyeen ka jawaabeyey,waxaana ka mid ahaa su,aalo ku aadaana arrimaha jubooyinka xilligan iyo xiisadaha ka taagan.
Madaxweynaha Puntland waxaa uu si indho la,aan ah u tageeray Axmed Madoobe,waxaana uu sheegey inuu Axmed Madoobe yahay madaxweynaha Rasmiga ah ee Jubbaland taasi oo aad uga yaabisay dadkii barnaamijkaas ka soo qayb galay,waxaana uu sheegey inuu isagu taageersan yahay Axmed madoobe.
Sidoo kale waxaa la waydiyey su,aal ku saabsan maamuladii kale ee magaalada kismaayo looga dhawaaqay,waxaana uu kaga jawaabay inuusan aqoonsaneyn isla markaasna aan maamuladaasi isagu waxba kala socon balse uu si wanaagsan ula socday Axmed Madoobe iyo barnaamijkiisi gobollada jubooyinka.
Dhinaca kale waxaa uu baaq u direy dawlada federaalka ee soomaaliya waxaana uu ugu baaqay inuu gogol u fidinayo Dawlada federaalka ah & Axmed Madoobe,waxaana uu sheegey inuu isagu diyaar u yahay inuu wada xiriiriyo Dawlada soomaaliya iyo Axmed Madoobe taasi oo aad ula yaabeen dadkii kulankaasi ka soo qayb galay.
Dhinaca kale waxaa la waydiyey su,aal ahayd Hadii IGAD Iyo Midawga Afrika ka soo horjeesteen Maamullada kismaayo looga dhawaaqay,sidee puntland u tageereysaa qayb ka mid ah maamuladaasi ? Waxaa uu Faroole kaga jawaabay inuusan isaguqayb ka ahayn kulankii Addis Ababa isla markaasna aan lala socodsiin shirkaasi.
Gebagabadii waxaa uu baaqan Faroole ku soo beegmayaa xilli ay dawlada soomaaliya iyo Midawga afrika daboolka ka qaadeen inaysan aqoonsaneyn maamuladii dhawaan looga dhawaaqay magaalada kismaayo,balse lama yaqaan qaabka dawladda soomaaliya uga jawaabeyso hadalkan ka soo yeerey Madaxweynaha Maamulka Puntland.
Yaasiin Faarax Haaruun
Garoowe,Nugaal
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com