Kismaayo(AGGM) Xarunta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose waxaa maanta ka dhacay arrin aad u qosol badan isla markaasna Shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo ay aad u hadal hayaan,waxaana arrintaasi timi ka dib markii Col Yaasiin Nuur Gaas Raadeer uu booqasho casuumad iyo salaan ah ugu tagey huteelkaasi weftigii dawlada soomaaliya ka socday ee ku sugnaa magaalada kismaayo.
Martiqaadka Maamulka Axmed Madoobe ayaa imaanaya xilli ay weftiga dawlada u qabteen 24 saac inay kaga baxaan magaalada kismaayo taasi oo ku ekeyd saacadihii la soo dhaafey,balse arrintan ayaa yaab iyo amakaag ku noqotey shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo taasi oo isweydiin noqotey shacabka kismaayo isbedelka ku dhacay mawqifkii maamul ku sheega Axmed Madoobe.
Col Yaasiin Radeer ayaa la sheegey inuu Qado sharaf u soo sameyey Weftigii dawlada soomaaliya ee xildhibaanada ahaa ee ku suganaa Huteelka Cas casey,Waxaana la sheegey in ciidamadii dawlada ee ilaalada u ahaa weftiga dawlada soomaaliya ay ka shakiyeen cunaddii uu Yaasiin Raadeer iyo kooxdiisu u diyaariyeen,waxaana la sheegey inay ku amreen inuu Yaasiin Raadeer Cunadda isagu cuno isla markaasna uu tijaabiyo.
Col Yaasiin Raadeer ayaa loo ogolaaday inuu gudaha u gallo huteelka isla markaasna uu u gudbo qolka fadhiga oo ay ku sugnayeen weftigii xildhibaanada baarlaamanka ee ku sugnaa magaalada kismaayo,waxaana la sheegey inuu Col Yaasiin iyo kooxdii la socotey ay la kulmeen madaxdii dawlada kana hadleen arrimo badan oo ku aadan sidii loo xiriirsiin lahaa Madaxda dawlada federaalka iyo maamulkii dhawaan ismagacaabay.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo weftiga dawlada hormuud ah ayaa la sheegey inuu si cad ugu sheegey Yaasiin Nuur Gaas inaysan dawlada soomaaliya mawqifkeeda ku aadan arrimaha jubooyinka,waxaana uu sheegey in dawlada soomaaliya ay diyaar u tahay inay shacabka jubooyinka ka dhageysato rabitaankooda.
Ugu dambeyntii waxaa kulanka imaanayaa xilli dhawaan Yaasiin Radeer Iyo kooxdiisa ay xildhibaanada baarlamaanka ee ku sugan kismaayo u qabteen inayy 24 saac ka baxaan magaalada kismaayo isla markaasna u duulaan magaalada muqdisho balse waxaa la yaab leh martiqaadkan iyo mawqifkooda waxa bedelay.
Salebaan Cabdi Yuusuf
Kismaayo,Jubadda Hoose
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com