Muqdisho(AGGM) Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda dhismaha iyo deegaameynta ee Xukuumadda Ciraaq ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Ciraaq dalka Soomaaliya ay ka fulin doonto Mashruucyo wax looga qabanayo arrimaha Bulshada. Waxaana dawlada Ciraaq sheegtey inay doonayso inay mashaariicdaasi ka faaiideystaan shacabka soomaaliyeed.
War Saxafadeed ka soo baxay wasaaradaha dhismaha iyo degaameynta xukumadda ciraaq ayaa loogu sheegey in mashruucaasi uu ku kacayo lacag ka badan 15 milyan oo dollar,waxaana mashaariicdan loogu tallo galay inay ka faaiideysanayaan shacabka dhibaateysan ee soomaaliyeed.
Mashaariicdan ayey dawlada wadanka Ciraaq sheegtey inuu marayo meel gabogebo ah,waxaana dawlada Ciraaq shaacisay inay shacabka soomaaliyeed dooneyso inay wax badan u qabato shacabka soomaaliyeed ee dhiban isla markaasna dagaalada ku soo jirey in ka badan 22 sano.
Ugu dambeyntii Wasaaradda dhismaha iyo deegaameynta dalka Ciraaq ayaa imaanaya xilli Golaha Xukuumadda dalkaasi ay amar ku bixiyeen In qiimo dhan 15 Million oo dollar lagu bixiyo Mashaariic laga fulinayo dalka Soomaaliya. Waxaana arrintaasi soo dhaweysay xukumadda soomaaliya isla markaasna ku tilmaamtay arrin aad loogu farxo looguna mahad celiyo dawlada ciraaq iyo shacabkeeda.
Samsam Cabdi Yuusuf
Muqdisho,Banadir
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com