Waa Gabay Lamagac Baxay "Daryeel Shacab" Iyo Abwaan Cabdiraxiin Hilowle Galayr

0

GABAYGabay: Gabaygan waxaa uu ka turjumayaa Muhiimada Maamulka iyo dowladnimadu leedahay  iyo inay tahay arrin daruuriya oo sida qofku ugu baahan yahay, Cuntada,Biyaha iyo Hurdada uu ugu baahan yahay, Maamul iyo nidaam iyo kala dambayn inuu helo meel kasta uu joogo.

 

  1. Deelka gabayga, diiwaan murti leh, Dedan wax loo sheego
  2. Dan ka hadalka, doodii waxtara, Daacad  lagu taaro
  3. Damal geeynta, xaajada delegan, Duqayda loo saaro
  4. Dacwadeedu goortay dhacdana, La iska daaweeyo
  5. Dakanadii horaatana la dhayo, Daanadiyo boogta
  6. Diyo iyo wanaag lagu dabaqo,Ddeeble laga dhiibo
  7. durtaba saamax laga qaatee, Duco la raacsiiyo
  8. Dabkii baxayey baa lagu danshaa, Dirir colaadeede
  9. Dadkii kala durkaa lagu helaa, Dib u heshiintoode
  10. Dirirkeedii suugaanta waa ,Daawo dhalinteede
  11. Difaacii xumaantay ahayd , Doorka nabadeede
  12. Dayr iyo gu’ dayey ahayd, Doog ka soo baxa e
  13. Dalo iyo waxsheeg bay ahayd, Daacad loo hura e
  14. Darka ceelka iyo bay ahayd, Dawlis aan go’ine
  15. Dalaalimo wanaageey lahayd, Lagu daryeelaaye
  16. Dugsi iyo aqoon bay ahayd, Lagu dareeraaye
  17. Dayax nuurayiyo bay ahayd, Dab u iftiimaaye
  18. Deegaan barwaaqay ahayd, Lagu dalxiisaaye

 

  1. Doodeeda anigoo xidhoo ,  Daayey gebibeedba
  2. Ayuunbaa durbaan lay tumay, Aan ku diirsadaye
  3. Da,yartii dalkaygaan arkayo, Door ka soo baxaye
  4. Niman danaha guud wada  ayaa., Daayin soo diraye
  5. Diiwaanka ruuxii galaa, lagu daraasayne
  6. Dariiqyadi xidhnaan jiray, raggaa layrarka u daaray
  7. Ee nabadda  doonaaya iyo ,Dowladnimadeeda
  8. Inaad dacal istaagan rabaa  ,Dood u mariyaaye
  9. Dadku inuu nabdaan doonaya, Dib u heshiiyaaye
  10. In dagaalka laga joojiyo, Dirirta naafaysay
  11. Degelki burburey doogsadoo, Doogtii laga reeysto
  12. Oo dabaqdheer laga dhisiyo ,Duni iftiimaysa
  13. Oo daacad loo dhaqo shacbiga, Dacaladeed yaala
  14. Dugsiga islaamkiyo la furo,  Door aqooneedka
  15. In la daayo xumahaan rabaa  Samo la doonaaye
  16. In dedaal waddaniyeed lagalo, Duunyo lagu doonin
  17. Ama daraja iyo magac la rabin Daacadnimo uuna
  18. Oo deeqna lagu sii baxshaan  Doonayaa abide.

 

  1. Duqaydiyo caruurtaan rabaan Inaan dugsiinaaye
  2. Dhalinta iyo dumarkaan rabaa, Inaan daryeelnaaye
  3. Dadkaygoo dhan baan doonayaa , Inaan u duubtaane
  4. Inta ruux damiir laan rabaa, Inay dareemaan
  5. Intaas waa danti guud dadyahaw ,Lagama dayrshaane
  6. Bal aan dulucda hoosiyo u dego, Ararta duubkeeda.

 

 

  1. Dadkuna waa xigaaliyo duriyad, duudii soomaale
  2. Danta lama huraan, waa dalkiyo,  diinta eebahaye
  3. Dadkuna waa kuwii loo diraye , daayacayn abide
  4. Dalkii waa kanoo dowladnimo , Laysku wada diidye
  5. Nin waliba halkuu dego hadduu, Daacad u ahaado
  6. Oo dayrtoo oo maamul iyo ,Doorsan ka abuuro
  7. dadweynihiyo shacabkaa degani helo, Daryeel fiican
  8. Miyaa laysku diidaa dunidu, Way ku socotaaye

 

  1. Dakanadiyo dhiiladii horiyo, Dirirtaan soo dhaafnay
  2. Dura waxii la soo maray dad, Weli doonayaa jira e
  3. Darsi umaysan noqon  daanadiyo ,Duulankii hore
  4. Dambiyadii Shalay doonayaan, Door labaad kale
  5. Diin ruux ka been sheegaya,Damac hubaalaysan
  6. Isku duubni ruux diidanoo ,Beelnimo u duuban.
  7. Dibindaabyadii hore mid  fali ,Weli dariiqeeda
  8. Mid uun dooni duul wada dhashay, Diradireyntooda
  9. Deegaanka Soomaaliyeed ,Deyr ku kala oodi
  10. Miyaa ruux damiirliyo, dal jire ,Weli ku doodaaya.
  11. Federaalku waa daano iyo ,Dabin gumaysaade
  12. Waa inaan dib loo arag midnimo, Lagu dakayeeye
  13. Waa inay difaac kala galaan, Deriska deegaane
  14. Waa inaynu duulaan mar kale, La is duqeeyaaye
  15. Waa iney dadkuna kala durkaan, Dirir Bilowgeede
  16. Ninkii dowlad Soomaaliyeed ,Diiday maqalkeeda
  17. Ee dano qabiil doonayoow ,Daalin baad tahay
  18. Dersi nimaan ka baran daqaradii ,Gaadhay baad tahaye
  19. Dood ruux qaboo weli darxumo, Doonayaa tahay

 

  1. Dabka aad shidaa daalinoow, Wuu ku diliyaaye
  2. Dabinkaad xidhaa dirdiroow, Waad ku dagantaaye
  3. Daleeshaad dhigtaa xaajada, Ku darnaan abide
  4. Darajiyo wanaag laguma helo, Docodocayn jaane
  5. Allow yaa dar bay tuban tahaye, Dib uga soo foofsha
  6. Allow yaa dubihii shalay ku dhacay,Daawasho u geeya
  7. Allow yaa darxumadey mareen, Dib u xasuusnaada
  8. Allow yaa digtii iyo damtii, Dirirta maantoole
  9. Ee danabyadeedii midh tirey, Daaya  garansiiya
  10. Naga daaya duul kala saftiyo, Dacarta laaqeeda
  11. Oo dowladnimo waa jannee, Doona hadafkeeda.
  12. Damal iyo hadh weeye dugsiga, Noloshu ay taale
  13. Isku duubni guul weeye ,Doona Qarankeena
  14. Danbi maaha ruux ii dantiyo ,Dowlad curiyaaye
  15. Kuwa duubtay maantoo dedaal, Guula weeyaan
  16. Haka daalinaan odhan lahaa waa, La degayaaye
  17. Waxba gabaygu yuu ila durkine ,Waxaan ku soo dayray
  18. Naftu waxay dareentaa dadyahaw ,Dowladnimo weyne
  19. Dadku waxuu gaajaysan yahay ,Maamul daacada,he
  20. Dantuna waa dadkoo wada dega ,Oon lays durayneeyne

 

  1. Allahayoow adigaa daayimaoo ,Cidi ku diidayne
  2. Adigaa  dunidan weyn iska leh  ,Dood lagaa geline
  3. Rabiyoow dadkaagaan nahaye ,Nabad na daawaysa
  4. Darxumada na haysiyo rabiyo ,Diifta naga qaada
  5. Naga dami dabkaan iyo danbigay ,Gaadhay dunidoo dhan
  6. Ilaahay degani noogu deeq, Dowladnimo taam ah.
  7. Ducada naga Ajiib Daahiroow,Daacad baan nahaye
  8. Dadkaagaan nahaye daayimoow , Diinta nagu toosi !!!

Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com