Kismaayo( AGGM) Wararka hadda naga soo gaaraya xarunta gobollada Jubbadda Hoose ee Magaalada Kismaayo ayaa daboolka ka qaadayaa in ciidamada Kiiniya ee ku sugan magaalada Kismaayo ay weftigii xukumadda soomaaliya ku wargeliyeen inaysan qaadeyn amaankooda isla markaasna iskaga baxaan magaalada kismaayo.
Weftigan ayaa ahaa kuwo maalmahan ku sugnaa gudaha Magaalada kismaayo waxaan ay qayb ka ahayeen guddi xaqiiqo raadin ah oo dawlada soomaaliya u soo dirtey magaalada kismaayo oo carqalado badani ka taagnayeen,waxaana guddigaas magaalada kismaayo kula kulmeen weftigii IGAD ka socday ee iyaguna ahaa xaqiiqo raadinta.
Taliska ciidamada Amisom ayaa la sheegey in galabta ku wargeliyeen xubnahaasi inaysan amaankooda qaadi doonin isla markaasna ay iskaga baxaan gudaha Magaalada kismaayo,waxaana la sheegey in amaankooda ay markii hore gacanta ku hayeen ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa dawlada kiiniya.
Arrintan ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyey shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo isla markaasna aad uga xumaaday hadalka ka soo yeeray taliska ciidamada kiiniya ku dhaqan magaalada kismaayo, Taliska ciidamada Amiosm gaar ahaan kuwa kiiniya ee ku sugan kismaayo lagu eedeynayaa inaysan u joogin hawlahooda shaqo ee ku aadan nabad ilaalinta balse ay tageersan yihiin arrimo ka dhan ah dawlada soomaaliya.
Ma jiro wax wara oo wali ka soo baxay dawlada soomaaliya,waxaana arrintaasi tahay mid jawaabteeda looga fadhiyo dawlada soomaaliya isla markaasna mawqifkeeda ku aadan joogitaanka ciidamada kiiniya ee gudaha dalka soomaaliya ay mawqif cad ka qaadato.
Gebagabadii waxaa hadalkani imaanayaa xilli maanta golaha wasiiradda Midawga Afrika ay si cad u sheegeen inaysan aqoonsaneyn maamulka looga dhawaaqay gobollada jubooyinka isla markaasna dawlada soomaaliya xaq buuxa u leedahay in looga dambeeyo arrimaha maamul u sameynta gobollada dalka.
Saleebaan Guuleed Warsame
Kismaayo,Jubbadda Hoose
Isha Ku Hay Allgalgaduud.
Allgalgaduud@gmail.com