Kismaayo (AGGM) Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Jubbaland Col Bare Aadan Shire ” Bare Hiiraale ” ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray ciidamada dawladda kiiniya kaasi oo ku aadanaa inaysan amaanka xildhibaanada ,wasiiradda iyo xubnaha kale ee ka socda dawlada kmg ah ee soomaaliya aysan ka masuul ahayn.
Madaxweynaha Jubbaland Col Bare Aadan Shire ” Hiiraale ” oo arrintaasi ka jawaabay ayaa sheegey in weftiga dawlada soomaaliya yihiin muwaadiniin soomaaliyeed isla markaasna aysan ciidamada dawlada kiiniya ugu hanjabi karin inaysan amaankooda masuul ka noqon karin,waxaana uu sheegey in hadii weftiga dawladu u baahan yihiin in amaankooda la sugo uu isagu qaadayo inuu amaankooda sugo.
Sidoo kale waxaa uu sheegey in markii ciidamada dawlada kiiniya ay arrintaasi soo gaarsiiyeen weftiga dawladda soomaaliya uu ciidamo u direy huteelkii ay joogeen isla markaasna uu amaankooda la wareegey,waxaana uu daboolka ka qaadey in markii ciidamada dawlada kiiniya ogaadeen in amaankooda ay la wareegeen ciidamada Jubbaland oo isaga ka amar qaataa ay raali gelin ka bixiyeen isla markaasna ay sheegeen in khalad dhacay ayna weftiga dawlada ka raali galinayaan.
Col Bare Aadan Shire ayaa sheegey hadda ciidamada kiiniya dib ula wareegeen amaanka weftiga dawlada isla markaasna uu ciidamadii ilaalada uu ahaa uu u direy saldhigyadooda,waxaana uu sheegey inaysan xubnahani yihiin muwaadiinin soomaaliiyeed oo xaq u leh in amaankooda la sugo isla markaasna waxaa uu xusay inay markasta diyaar u yihiin inay amaankooda sugaan hadii ay dareemaan amaan darro.
Dhinaca kale Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka soomaaliya kuna sugan magaalada kismaayo ayaa aarrintaasi ka hadlay,waxaana uu eedeyn u jeediyey dawlada kiiniya,waxaa kale oo uu ku eedeyey inaysan ciidamada kiiniya nabad ilaalin u joogin dalka soomaaliya,waxaana uu carabka ku dhuftey inay diyaarinayaan dhawaan mooshin ka dhan ah ciidamada kiiniya ee magaalada kismaayo jooga.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jubbaland Col Bare Aadan Shire ayaa si adag uga hadlay talaabada ciidamada kiiniya qaadeen,waxaana uu sheegey inay ku tunteen sharcigii u degaanaa ciidamada nabad ilaalinta ah ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya,waxaana uu sheegey inaysan kismaayo nabad ilaalin u joogin ciidamadaasi.
Saleebaan Guuleed Warsame
Kismaayo,Jubbadda Hoose
Isha Ku Hay Allgalgaduud.
Allgalgaduud@gmail.com