UEFA Oo Xaqiijisay Maanta In Kooxdii Ku Guuleysata Europa League Ay U Soo Bixi Doonto Champions League.

0

europaleague490ai_0UEFA ayaa xaqiijisay maanta in kooxda ku guuleysata Europa League ay boos ka heli doonto Champions League wixii ka bilowda xilli ciyaareedka 2014-15.

Waxaana arintaan loo nashqadeeyay in lagu kiciyo xamaasada koobka labaad ee Yurub ugu fiican kaasoo bilowgii bishaan ay ku guuleysatay Chelsea.

Kooxo badan ayaa tartanka Europa League sida uu haatan yahay u arko mid aan micno laheyn islamarkaana safa ciyaartoydooda labaad, laakiin talaabadan cusub oo la dhaqangelin doono wixii ka bilowda 2015 ayaa waxa ay keeneysaa in xamaasada koobka uu sarre u kaco.

Sharciga cusub ayaa waxa uu noqonayaa in kooxda ku guuleysata Europa League islamarkaana aan ku dhameysan boosaska horyaalka ee Champions League loogu soo baxo inay iska xaadirin doonto Champions League xilli ciyaareedka ku xiga.

Tusaale ahaan Jarmalka, England iyo Spain ayaa shan koox ku lahaan kara Champions League hadii koox ka mid ah dalkooda ay hanato Europa League islamarkaana aysan ku dhameysan afarta kooxood ee horyaalka ugu sareysa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com