Puntland Oo 10 Dhalinyarro Ah Xukun Dil Ah Ku Xukuntey

0

dil-toogashoGaroowe( AGGM) Maxkamadda derajadda Kowaad ee ciidamadda qalabka sida ee Maamulka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntey koox lagu tilmaamay inay ka dambeeyeen dilkii Alla ha u naxariistee Shiikh Cabdulqaadir Gacamay,waxaana dadkaasi maxkamad lagu soo taagey gudaha Puntland.

Dhalinyaradda ayaa la sheegey in qaarkood lagu soo qabtey Bistooladii ay ku toogteen Shiikh Cabdulqaadir Gacamay, sidoo kalena waxaa qaarkood lagu soo qabqabtey Walxaha qarxa oo ay ku aaseen wadooyinka magaalada garoowe ee maamulka Puntland,Dhamaan dhalinyarada oo maanta maxkamadda la hor keenay ayaa la sheegey inay ka dambeeyeen dilkii Shiikh Cabdulqaadir oo  bishii 2-aad ee sanadkan lagu dilay magaalada garoowe.

Dhalinyaradda ayaa qaarkood laga soo qabqabtey meelo ka baxsan degaanada ay ka arrimiyaan maamulka Puntland gaar ahaan magaalada laascaanood iyo ciidamada somaliland u soo gacan galiyeen maamulka Puntland,waxaana dadkaasi dhamaantood lagu eedeyey in gudaha degaanada puntland falal dilal iyo qaraxyo ah ka fuliyeen.

10 kan dhalinyarada ah dhamaantood Maxkamada ma hor imaan balse waxaa jira qaarkood oo iyagoo ka maqan maxkamada horteeda la xukumay isla markaasna lagu xukumay dil toogasho, dhamaan dadkan maxkamada hor yimi iyo kuwa maqan ayaa la sheegey in loo hayo cadeymo buuxa oo ku aadan inay falal kala duwan ka fuliyeen gudaha degaanada puntland.

Waxay kala yihiin dadka maqan ee la xukumay sidan:

  1. Mawliid Maxamed
  2. Buni Maxamed
  3. Shiine  mid magaciisa lagu soo koobay
  4. Shaqale Xasan Haybe

Gebagabadii waxaa maxkamadku sheegtey inay dadkaasi mudo gaareysa 7 maalmood gudahood racfaan ka qaadanayaan,waxaana lagu wadaa inay eedeysanayaashi racfaan ka qaadanayaa xukunka lagu riday. Maaha markii ugu horeysay Puntland xukumo ku rido isla markaasna ku fuliso,waxaana bishi la soo dhaafey ay meel fagaare ah ku toogteen dhalinyaro shabaab lagu eedaynayey.

Saleebaan Guuleed Warsame

Garoowe,Puntland

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Allgalgaduud@gmail.com