Laba Nin Oo Xalay Lagu Dilay Xeradda Qaxootiga Ee Ifo

0

bastoolad-300x253Gaarisa(AGGM) Waxaa xalay gudaha xeradda qaxootiga IFO lagu dilay laba nin oo soomaali ah kuwaasi oo la sheegey inay ka mid ahayeen dadka qaxootiga ah ee degan xeradaasi,waxaana na la sheegey inay dilkooda ka dambeeyeen kooxo hubeysan kuwaasi oo ku hubeysanaa bistoolado.

Kooxda dilka geysatey ayaa la sheegey in halkaasi ka baxsadeen,waxaana la aaminsan yahay in kooxda dilkaasi geysatey ay ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab ee ka dagaalama gudaha wadanka Kiiniya,Waxaana dilkan dadka qaxootiga ah ee ku dhaqan xeradda IFO ka muujiyeen walaac baahsan.

Labada Nin ee la toogtey ayaa la sheegey inay ahayeen niman ilaaliya dukaamada ku yaala xerada ifo,waxaana la sheegey inaysan wadan wax hub ah markii la dilayey,dilkan ayaa daba ku haya fara galinta ciidamada Kiiniya ku sugan gudaha soomaaliya,isla markaasna waxa weeraro dawlada kiiniya looga soo horjeedo inta badan ka dhaca gudaha wadanka kiiniya.

Masuul u hadlay ciidamada booliska xerada IFO ayaa daboolka ka qaadey in ciidamadoodu dabagal ku hayaan kooxihi dilkaasi fuliyey oo uu sheegey inay gacan saar la leeyihiin Xarakada Alshabaab taasi oo uu ku tilmaamay inay qayb ka tahay dilalka qorsheysan ee ay alshabaab ka fuliso gudaha wadanka Kiiniya.

Ugu dambeyntii waxaa maalmahan ka taagnaa falal amaan darro gudaha wadanka kiiniya kuwaasi oo intooda badan lagu bar tilmaameedsado masuuliyiinta iyo ciidamada ka tirsan dawlada Kiiniya mana jiran cid ay dawlada kiiniya inta badan u soo qabato dilalka qorsheysan ee dhaca gudaha wadankeeda.

Guuleed Samatar Warsame

Xagardheer,Dhadhaab

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com