Dowladdaha Sudaan Iyo Soomaaliya Oo Heshiis Militari Kala Saxiixday.

0

SODKhartoum (AGGM): Waxaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan hishiis militari ku kala saxiixday wafdiga dowladda federaalka oo uu hogaminayo wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi iyo wasaarrada gaashaandhiga dalka Suudaan.
Dhinaca dowladda Soomaaliya waxaa hishiiska u saxiixay guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Jen Xassan Max’ed Xusseen Muun-gaab halka dhinaca dowladda Suudaan uu u saxiixay Jen Axmed Jumca oo ah guddoomiyaha garsoorayaasha ciidamada ee dalka Suudaan.
Hishiiskan  oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirrada gaashaandhiga labada dowladdood Suudaan iyo Soomaaliya ayaa waxa qodobadiisa ka mid ahaa in Soomaaliya laga caawiyo dib usoo noolayntii ciidankoo xooga Qaranka Soomaaliyeed iyo tababaradooda oo ay Sudan gacan wayn ka gaysato Sidii loo Xaqiijin lahaa ujeedkaas.
Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo saxiixa kadib ka hadllayay casho sharaf loo sameeyay wafdiga dowladda si u mahad celiyay Dowladda Suudaan oo taageero ballaaran la bar bar taagan had ay jiree sida uu sheegay dowladda federaalka.
Waa Markii ugu horaysay oo Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ay hishiis nuucaan oo kale ah la saxiixato dowladda Suudaan tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com