Xog Dhab Ah: Fadeexaddii Ku Habsatey Faroole Iyo Wiilkiisa Ee Cuntada Ka Kacday & QM Oo Aad U Hadal Haysa

0

images10_592774299Garoowe ( AGGM) Maalmahan waxaa si weyn caasimadda maamul goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe looga hadal hayey arrin ku saabsan qaabka cunto karinta hay’adaha QM ee u sugan magaalada Garowe taasi oo sababtey in shaqaale badan oo cuntada u karin jirey shaqaalahaasi uu maamulka Puntland ka masaafuriyey magaalada garoowe.

Hawlgalkan Cunto u karinta shaqaalaha QM ee ku sugan magaalada Garoowe waxaa hadda ka hor qandaraaskaas qaatey Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiraxmaan  Maxamed Faroole kaasi oo lagu Magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan Faroole isla markaasna isagu ah ninka tallada iyo maamulka Puntland looga dambeeyo.

Wiilkan oo ugu weyn Caruurta u dhalay Dr Faroole ayaa la sheegey inuu isagu  Maqaaxi u gaar ah ku leeyahay Magaalada Garoowe isla markaasna ay markii hore Shaqaalaha QM wax ka cuni jireen,waxaana la sheegey inuu bishii ka heli jirey dhaqaale aad u wanaagsan taasi oo keentey inuu waayo markii ay shaqaalaha QM nairobi ka keensadeen dad cunto karinta aad ugu wanaagsan.

Shaqaalaha QM ee ku sugan magaalada Garoowe ayaa la sheegey inay shaqaale khibrad wanaagsan leh ka keeneen Caasimadda dalka kiiniya ee Magaalada Nairobi kuwaasi oo xaruntooda magaalada Garoowe ugu karin jirey cuntada bishii la soo dhaafay iyo tan hadda socota,waxaana la sheegey inuu Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Puntland arrintaasi ka carooday.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ah wiilka u dhalay Madaxweyne Farooel ayaa la sheegey inuu dhawaan gudaha u galay Xarunta QM ee magaalada Garoowe isagoo wata ciidamo badan oo ka amar qaata isaga,waxaana la sheegey inuu halkaasi ka soo qabqabtey dhamaan shaqaalihii cuntada u karinayey Shaqaalaha QM isla markaasna uu ka masaafuriyey magaalada Garoowe.

Arrintan ayaa fadeexad u soo jiiday maamulka Puntland taasi oo noqotey wax ugu hadal hayntga badan yahay degaanada Puntland iyop xafiisyadda QM ee magaalada Nairobi,waxaana arrintaasi noqotey mid ay QM aad uga xumaato isla markaasna ay kala garan la yihiin cidda maamulka Puntland hadda gacanta ku haysa.

Shacabka reer Puntland oo awal hore Wiilka uu dhalay khaati ka taagna ayaa arrintan dhacday ku tilmaamay ceeb ay ka sugayeen Madaxtooyadda Puntland,waxaana ay sheegeen inuusan Faroole maamulin Puntland balse uu ku shaqeeyo awaamiirta wiilka uu dhalay ee lagu magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo isagu tallada haya.

Gebagabadii waxaa arrintaasi dadka ku dhaqan degaanada Puntland ku tilmaameen ceebtii ugu darneyd ee soo marta degaanada puntland gaar ahaan madaxda puntland,waxaana ay sheegeen in arrintan tahay wax laga xumaado marka laga hadlayo qaabka wax u dhaceen oo ah cadho cunto ka kacday.

Saleebaan Guuleed Warsame

Garoowe,Puntland

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Allgalgaduud@gmail.com