War Deg Deg Ah: Dawladda Federaalka Itoobiya Oo Digniin U Jeedisay Madaxweyne Cabdi Iley.

0

181266_10151477539766089_2046390439_nAddis Ababa(AGGM)  Dawladda Federaalka ee Wadanka Itoobiya ayaa galabta war ay soo saartey digniin kulul ugu jeedisay madaxweynaha maamulka ismaamulka soomaalida itoobiya,waxaana war ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha dawlada itoobiya lagu eedeyey Madaxweynaha DDS Cabdi Maxamuud Cumar,waxaana dawlada itoobiya ku eedeysay inuu ka hadlo xaaladaha siyaasadeed ee dalka soomaaliya.

Warbixintaasi oo maanta duhurnimadii laga soo daayey Radio Fana Ethiopia ayaa lagu sheegey inuu Madaxweynaha DDS soomaalidu ka gaabsado arrimaha siyaasadeed ee ka jira wadanka soomaaliya,waxaana Wasaarada arrimaha guduhu shaacisay inaysan dawlada degaanada dawlada federaalka itoobiya hoostagaa aysan ka hadli karin wax ka baxsan degaanka ay maamulaan.

Sidoo kale waxaa lagu sheegey warbixintaas eedeynta inuu Madaxweynaha DDS soomaalidu mar uu telefeshin dawlada degaankaasi leeyahay uu aad uga hadlay xaalada soomaaliya gaar ahaan tan gobollada Jubooyinka,waxaana arrintaasi aad uga careysiisay dawlada Federaalka Itoobiya oo sheegtey inuusan xaq ugu lahayn inuu ka hadlo xaalad siyaasadeed oo ka baxsan maamulka DDS soomaalida.

Dhawaan ayey ahayd markii saxafada soomaalida qaarkeed qoreen warbixino ku aadan Maamulka uu madaxda ka yahay Cabdi Maxamuud Cumar oo taageerey Maamul u sameynta gobollada jubooyinka isla markaasna si bareer ah u tageerey Axmed Madoobe,waxaana arrintaasi ahayd mid ka careysiisay siyaasiyiin badan oo soomaaliyeed.

Hadalkan ka soo yeerey dawlada federaalka Itoobiya ayaa loo malaynayaa inay soo shaac baxday ka dib markii madaxda dawlada soomaaliya ay warqad u direen Raisalwasaaraha itoobiya isla markaasna uga dacwoodeen madaxda ismaamulka soomaalida oo ay dawlada soomaaliya ku tilmaamtey kuwo dhibaato ka dhex abuuraya shacabka soomaaliyeed,waxaana sida muuqata arrintaasi aad uga careysiisay madaxda sar sare oo dawlada federaalka itoobiya oo jawaab kulul ka bixiyey.

Digniintan dawlada federaalka Itoobiya u jeedisay Madaxweynaha degaanka soomaalida ayaa imaanaysaa xilli uu saaka afhayeenka dawlada itoobiya ka tirsan shaaciyey in dawlada soomaaliya xaq u leedahay in looga dambeeyo maamul u sameynta gobollada dalka taasi oo cadeyn ah inaysan dawlada itoobiya tageersaneyn qaabka wax uga socdaa gobollada jubooyinka oo madaxweynayaal badani iskood isku magacaabeen.

Si kastey ahaataba waxaa soo baxaya arrimo badan oo dawlada itoobiya ka leedahay wadanka soomaaliya,waxaana 24 saac ee la soo dhaafay soo baxayey warar tageero u ah dawlada Soomaliya isla markaasna ku aadan inay dawlada soomaaliya looga dambeeyo arrimaha maamullada dalkeeda.

Aadan Maxamuud Cali

Addis Ababa,Itoobiya

Iska Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com