Sarkaal U Shaqaynayey Hay'adaha Samafalka Oo Lagu Toogtey Gobolka Mudug

0

askari21-300x187Galkacayo(AGGM) Kooxo dabley ah oo hubeysan ayaa maanta si bareer ah degaanka Ceel Huur ee gobolka Mudug ku toogtey sarkaal ka tirsanaa shaqaalaha hay’daha samafalka ee ka hawlgala gudaha dalka soomaaliya gaar ahaan gobolka Mudug,waxaana la shaaciyey in kooxdii dilkaasi fulisay ay baxsadeen.

Alle ha u naxaristee sarkaalkan maanta lagu toogtey degaanka Ceel Huur ee gobolka Mudug ayaa lagu magacaabi jirey Cabdishakuur Maxamuud Cilmi,marxuumka maant ala dilay ayaa la sheegayaa inuu ku mashquulsanaa qaybinta lacago uu qaybinayey dad masaakiin ah oo ku dhaqan degaankaasi,waxaana la sheegey inay rasaas ku soo fureen koox hubeysan.

Dilkan ayaa la sheegayaa inay fuliyeen koox dabley ah oo la sheegey inay rabeen inay dhac u geystaan lacagaha dadka masaakiinta ah loo qaybinayey,waxaana isla markaasna waxaa la sheegey inay halkaasi ka baxsadeen kooxdii dilkaasi fulisay,waxaana dilkaasi aad uga xumaaday dadkii masaakiinta ahaa ee lacagtaasi loo qaybinayey.

Maamulka Gobolka mudug ayaa la sheegayaa inuu ku mashquulsan yahay soo qabashada dadkii dilkaasi ka dambeyey,waxaana la xaqiijinayaa inay degaanka Ceel Huur u direen ciidamo aad u badan kuwaasi oo ku daba jira kooxihii dilkaais ka dmabeeyey,dilkan ayaa ah mid dadka degaanka Ceel Huur aad uga xumaadeen.

Si kastey ahaataba waxaa dilkani qayb ka yahay dilalka la beegsado dadka aan waxba galabsan ee ay ka mid yihiin suxufiyiinta iyo shaqaalaha hay’adaha gargaarka,waxaana arrintaasi tahay mid aad walaac ay uga muujinayaan hay’adaha gaarku iyadoo ay dhibaatada la qabaan saxafiiyinta iyagana dilka joogta lagu hayo.

Samsam Cabdilaahi Aadan

Muqdisho,Somalia,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com