Maxaad Ka Taqaana Shaqsiyaadka Qas-wadayaasha Ah Ee Waday Mooshinkii Dhicisobay? (Warbixin).

0

SpoilersIyadoo todobaadyadii ugu dambeysay ay koox Xildhibaano ah wadeen mooshin ay doonayaan ay  khal khalgeliyaan horumarka ay ku talaabsatay Xukuumada Raysal Wasaare Saacid ka gaartay dhanka siyaasada, arrimaha dibadda, cadaalada iyo garsoorka, fidinta siyaasada dawladda ee gobolada dalka iyo xoojinta midnimada Soomaaliyeed, ayaa waxaa la ogaaday in shaqsiyaadka ka dambeeyo fowdadaasi.

Marka la eego shaqsiyaadka hor boodaya mooshinkan dhicisoobay ayaa dhamaantood waxa ay yihiin xildhibaano lagu xusay dhamaan warbixinadii Q/midoobay, gaar ahaana UN Somalia Monitoring Group iyo urururo kale oo caalami ah sida International Crisis Group ICG taasoo ku tilmaantay inay yihiin Qas-wadayaal (Spoilers). Lana xanibi doono dhaq dhaqaaqooda iyo weliba hantidooda.

Kooxahan ayaa waxaa hor boodaya xubno horay uga tirsanaan jiray dawladdihii KMG ahaa, kuwaasi oo ku caanbaxay Musuq maamusuqa dhaqaale iyo mid siyaasadeed, hurinta colaadaha sokeeye iyo khal khalgelinta Nidaam kasta oo ka hirgala Soomaaliya.

Kooxahan ayaa dabagal la sameeyey waxaa lagu ogaaday inuu horboodayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo kal kaalisadiisa Fawsiya Maxamed Sheekh, kuwaas oo boorka isku qarinaya isla markaana ku beer laxawsanaya xildhibaanada beesha Dilgil iyo Mirifle xaqiina ayaa maqan, waana inaad kacdoon sameysaan.

Shariif Xasan oo dadka badankiis u yaqaanaan (Shariif Sakiin) ayaa ku caanbaxay Musuq maasuqa hantida shacabka, waxaana Q/midoobay ay ku eedeysay inuu lunsaday Malaayiin Dollarka Mareykanka ah oo gargaar ahaan loo siiyay dawladda Soomaaliyeed, intii uu hayay xilka Wasiirka Maaliyadda ee dawladdii Cumar C/rashiid, iyo intii uu ahaa Guddoomiyaha Baarlaamanka waana ruuxa kali ah ee magaciisu safka hore kaga yaalo warbixin kasta oo laga qoro musuqmaasuqa sidoo kalana waxaa lugu tilmaamaa inuu yahay Siyaasi aan waligiis laga maqal lagana dareemin dhibaatada amni xumo ee soo ragaadisay dalkeena.

Kalkaaliso Xildhibaanad Fawsiya, waxay caan ku tahay daba orodka Shariif Sakiin, waana gacan yaraha Shariif Sakiin, waxayna warbixintii Q/midoobay ku eedeysay inay ka shaqeyso falalka is xambaarka ah iyo tahriibinta (Human Trafficking) dumar iyo dhalin yaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo ay ka iibsato Viisooyin ay ku soo qaado qaab safaro siyaasadeed, caafimaad iyo waxbarasho, waana Qaswadayaasha magacyadooda sida weyn loogu xusay warbixintii UN Somalia Monitoring Group iminkana ku howlan mooshinka dhicisoobay ee lagu doonayo in lagu damiyo iftiinka iyo rajada shacabka ee Xukuumada Raysal wasaare Saacid.

Dadka kale, ee la ogaaday inay ku lugleeyihiin mooshinka dhicisoobay ee ka dhanka ah Xukuumada Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdirasaaq Xasan Cusmaan (Jurille), kaasoo aan u baahneyn falanqeyn dheeraad ah, maadaama ay Soomaalidu wada garaneyso uuna caan ku yahay wax isdabo marinta siyaasada labo wajiilenimada iyo hurinta colaadaha, horayna u boobay hanti fara badan oo dalku lahaa, gaar ahaana lacagtii mashruucii caanka ahaa ee FAO, kaasoo loogu talagalay horumarinta adeega bulshada Soomaaliya iyo ku shubistii suntan ee lugu aasay badda Soomaaliya.

Jurille ayaa sidoo kale, ku caanbaxay duminta dawladdaha iyo laaluush qaatenimada, waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa maja xaabintii dawladdii marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna aad ugu dadaalaa in dalka aysan dawlad ka dhalan, maadaama uu ka cabsanayo in maxkamad lagu soo taago boobkii hantida Qaranka.

Ninka ugu dambeeya, waa Xasan Abshir Faarax oo mar Raysal wasaare ka soo noqday dawladdii Carte ee uu madaxweynaha ka ahaa Dr. C/qaasim Salaad Xassan , ninkani wuxuu caan ku yahay siyaasada nooca munaafaqeynta iyo labo wajiilanimada ku dhisan iska hor keenka qabaa’ilada Soomaaliyeed iyo hurinta colaadaha sokeeye, waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa hurinta dagaalkii weynaa ee magaalada Muqdisho ka qarxay 1992-dii, kaasoo loogu magac daray dagaalkii Afar biloodlaha, waxaana dagaaladaasi ku naf waayay kumanaan dad rayid ah.

Ninkani, isagu wuxuu aad u jecelyahay inuu ka hor yimaado xukuumad kasta oo dalka ka dhalata, waana nin uu madax maray hanka Kursi doonimada ah, isaga oo ku doonaya si kasta oo uu ku heli karo kursiga Raysal wasaaraha, waana sababta uu ku diidan yahay Xukuumada Raysal wasaare Saacid.

Xasan Abshir waayihii ugu dambeeyey wuxuu aad ugu howlanaa siyaasada qariban ee Jubbooyinka, wuxuuna qeyb ka ahaa kala fogeynta dawladda iyo horjoogayaasha Jubbooyinka, iyadoo aaqirkii dhashay maamulo is barbar yaac ah oo sii fogeeyey rajada ummadda Soomaaliyeed.

Gabagabadii, aqristayaasha sharafta leh, waxaan u balan qaadeynaa inaan u soo gudbin doono warbixno cad cad kuwaasoo cadeyn u ah, talaabooyinka qaloocan ee ay qaadayaan kooxahaan qaswadayaasha ah kuna caanbaxay musuq maasuqa, laaluushka iyo khal khalgelinta horumarka dalka.

Leyla Xuseen Cilmi
Leylaxusen114@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com