Warning: The magic method Vc_Manager::__wakeup() must have public visibility in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/plugins/js_composer/include/classes/core/class-vc-manager.php on line 203
Deprecated: Required parameter $width follows optional parameter $attach_id in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/plugins/js_composer/include/helpers/helpers.php on line 366
Deprecated: Required parameter $height follows optional parameter $attach_id in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/plugins/js_composer/include/helpers/helpers.php on line 366
Deprecated: Required parameter $atts follows optional parameter $output in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/plugins/td-composer/legacy/common/wp_booster/td_wp_booster_functions.php on line 1740
Deprecated: Required parameter $args follows optional parameter $depth in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/plugins/td-cloud-library/includes/tdb_menu.php on line 251
Deprecated: Required parameter $output follows optional parameter $depth in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/plugins/td-cloud-library/includes/tdb_menu.php on line 251
Deprecated: Required parameter $channel_that_passed follows optional parameter $caller_id in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/themes/Newspaper/includes/wp-booster/tagdiv-remote-http.php on line 124
Deprecated: Required parameter $channel follows optional parameter $caller_id in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/themes/Newspaper/includes/wp-booster/tagdiv-remote-http.php on line 146
Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaasina ay kasoo qeybgaleen nabadoonno, salaadiin, ugaasyo iyo waxgarad kasoo jeeda beelaha dega Jubooyinka ayaa maanta ka dhacday Hotel Baranwaa ee magaalada Kismaayo.
Xafladan oo ahayd mid lagu caleemo saarayo Col Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa waxa kasoo qeybgalay dadweeyne aad u fara badan oo ay ka dhexmuuqdeen saraakiisha ciidamad dowladda ee Jubooyinka, siyaasiyiin caan ah, haween, odoyaal iyo dhalinyaro.
Goobta ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay waxgaradkii xaflada kasoo qeybgalay, waxayna Col Barre ugu hambalyeeyeen xilka uu ku guuleeystay, iyagoona sidoo kale u rajeeyay in uu noqdo mid kasoo baxa masuuliyadda culus ee loo dhiibay.
Nabadoon Salaad Max’ed oo ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in maanta magaalada Kismaayo lagu caleemo saaro hogaanka cusub ee Jubooyinka, isagoona sheegay in masuulkani ay soo doorteen guud ahaan beelaha dega Jubooyinka.
“Shacabka ku dhaqan Jubooyinka waxaa hogaamin kara ciddii ay raali ka yihiin, Col Barre waxaa doortay dhamaan qabaa’illada dega Jubooyinka, fadhiga maantana way ku dhanyihiin qabiiladii deegaanka u ahaa Jubooyinka,” ayuu hadalkiisii raaciyay.
Intaas kadib ayaa waxaa goobta ka hadlay Col Barre Aadan Shire oo ah madaxweeynaha cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland, wuxuuna uga mahadceliyay dhamaan dadkii xaflada kasoo qeybgalay taageerada ay u muujiyeen, isagoona sidoo kale ballan qaaday in uu howshiisa u gudan doono si daacadnimo ay ku dheehantahay.
“Waxaan idiin ballanqaadayaa in xilka aad ii dhiibateen aan uga soo baxo si cadaalad ah oo waafaqsan shareecada Islaamka,” ayuu hadalkiisii raaciyay.
Maamulka KMG ee Kismaayo ayaa saxafiyiinta uga digay in ay ka qeybgalaan xafladaasi, waxaana jawiga xafladda uu ku soo dhamaaday si nabadgelyo ah.
Dhinaca kale waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay dibad bax aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen kumannaan dadweeyne kaasoo lagu taageerayay Madaxweeynaha cusub ee maamulka goboleedka Jubbaland Col Barre Aadan Shire (Hiiraale).
Ibraahim Geedi Kismaayo-Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media allgalgaduud@gmail.com