Akhri Warbixin Xasaasi Ah: Kenya Oo Ku Dhacday Dabin Siyaasadeysan Iyo Jawiga Jubbooyinka Oo Ay Dhawaan Wax Weyn Iska Badalayaan.

0

kenya flagSoomaalidu waxay tiraahdaa “shimbirkii duul-duul badan mar un buu libaax labadii daan dalaq yiraahdaa!.”  Waxii ka danbeeyay bur-burkii Soomaaliya, Dowladda Kenya oo daris la ah dalka Soomaaliya ayaa waxay is tusaaleysay in ay dhulka iyo dadka Soomaaliyeed baylah yihiin, sidaas awgeedna ay la gudboon tahay in aanay lumin fursadda dahabiga ah ee soo martay.

October 3, 2008, maqaal uu qoray qoraa Kenyan ah oo la yiraahdo DONALD KIPKORIR oo uu cinwaan uga dhigay “Why Kenya and Ethiopia ought to annex and divide Somalia” ayaa waxuu dhulka Soomaaliyeed u kala qeybiyay dowladda Kenya iyo Itoobiya, asaga oo qoraalkiisaasna si xun ugu aflagaadeeyay umadda Soomaaliyeed. (Halkaan ka akhri maqaalkii Donald Kipkorir.)

Kenya waxay April 18, 2011 dalkeeda ku dhistay maamul goboleed ay ku sheegtay in ay ku midoobeen gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, kaasoo ay ugu magac dartay Azania madaxna ay uga dhigtay Prof. Mohamed Cabdi Gaandi.

Nasiib wanaag, Kenya oo qorshaha maamul goboleedkaas muddo dhowr sano ah soo waday qarash iyo waqti badana uu uga baxay ayaa waxaa si weyn uga hor yimid umadda Soomaaliyeed, taasoo aakhirkii keentay in uu maamulkaas asaga oo curdun ah uu iskiis u dhinto. (Halkaan ka akhri qoraalo badan oo looga soo horjeestay maamul goboleedkii Azania ee ay Kenya soo dhoo-dhoobtay).

Kenya markay aragtay guul darada iyo fashilka ku yimid qorshihii ay mudada dheer kasoo shaqeyneysay, ayaa waxay horaantii sanadii 2011 mar kale bilowday in ay xoojiso qorshe ay horayba usii waday oo ahaa in la xaryo ciidan xoog leh oo laga soo aruurinaayo dalka Soomaaliya, deeganada waqooyi bari Kenya (NFD), iyo dhulka Itoobiya ee ay Soomaalida degto ee loo yaqaan Kililka shanaad.

Intii ay Kenya waday qorshahaan ciidan aruuriska ah, waxaa sidoo kale jiray qorshe kale oo kaas garab socday oo ahaa in qayb ka mid ah dhul badeedka Soomaaliya oo ay ceegaagaan shidaal iyo macaadin kale ay si cilmiyeysan gacanta Soomaalida uga bixiso.

Kenya, waxay sanad walba malaayiin Doolar ku qaadataa kumanaanka kun ee Soomaalida ah ee ku jira xaryaha Qaxootiga ee dalka Kenya, sidaas awgeedna, waxaa la oran karaa jabka iyo barakaca umadda Soomaaliyeed waa horumarka iyo baraaraha dowladda Kenya.

Dhanka kale, dowladda Kenya intii ay ku jirtay howlgaladii ciidan ee ay kula dagaalameysay Al-shabaab gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxay gashay gabood falo aan lasoo koobi karin oo ay ka mid ahaayeen ayada oo dad rayid ah ku leysay duqeyntii diyaaradaha Kenya ee aan loo meel dayi jirin. Waxaa jirtay in sanadii tagtay markii ay ciidamada Kenya usoo dhawaadeen Kismaayo ay si bareer ah ugu laayeen 7 nin oo isku jifo ah, ayaga oo dhanka kalena beel ka mid ah beelaha wax ka dega Jubbooyinka ku sheegay in ay gacan saar la leeyihiin Al-shabaab.

Kenya, waxay marba talaabo aan habooneyn qaadaba, aakhirkii ayada oo isticmaaleysa magaca ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howl gala ayaa intii ay isqarin weysay waxay November 7, 2012 ciidamadeeda garoonka Kismaayo ka celiyeen wafdi ay soo dirtay dowladda Soomaaliya, taasoo mar wax laga weydiiyay wasiirka dalxiiska Kenya oo xiligaas ku sugnaa dalka Ingiriiska uu ku jawaabay “Fiiri, aniga hadda waxaan joogaa London, haddii aan rabo in aan tago aqalka boqortooyada Ingiriiska ma tagi karo aniga oo aanan balan laheyn, Kismaayo waa sidaas oo kale oo waxay u baahan tahay markii la imaanayo in la’isa soo sheego ee meeshu iska imow ma ahan!.”  Halkaan ka akhri qoraal ka hadlaya wafdigii Muqdisho ka yimid November 7, 2012 oo ay ciidamada Kenya Kismaayo kasoo celiyeen.

  Dhageyso Danson Mwazu oo ahaa wasiirka Dalxiiska Kenya oo November 12, 2012 sheegay in ay sax aheyd mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo Muqdisho laga soo diray oo garoonka Kismaayo laga celiyay

Faarax Macalin Dawaara oo horay u ahaan jiray ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Kenya ayaa mar uu dhamaadkii 2011 ka hadlayay arrimaha Jubbooyinka waxuu yiri “Ninka wali ku riyoonaya in Kulbiyow Muqdisho looga taliyo waa qof hurda oo aanan la socon meesha uu xaal marayo, arrintaasna waqtigeedii waa horuu dhamaaday ee waa in aan saas arrinta loo ogaado.”

Si uu u hergalo qorshaha shirka maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee hadda ka socda Kismaayo, waxay Kenya iyo mas’uuliyiinta Raaskaambooni isku afgarteen in gabi ahaanba la xiro garoonka diyaaradaha Kismaayo, ayada oo uu xaal halkaas maraayana waa tii uu magaalada Kismaayo dhor todobaad ka hor si lama filaan ah kusoo galay Col. Barre Aden Shire (Bare Hiiraale), taasoo Keenyaatiga iyo Raasakaamboodiyiinta ku noqotay yaab iyo fajac iyo wax aanay fileyn.

Ayada oo ay arrini sidaas u cakiran tahay, sida la sheegayna qorshaha shirka Kismaayo u degsan uu ahaa in maalinta maanta ah oo Talaado ah lagu dhawaaqo madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxaa maalintii shalay aheyd Muqdisho kasoo kicitimay wafdi heer sare ah oo dowladda Soomaaliya ka socday oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, kaasoo mar kale siyaaradii waday inta diyaarado dagaal oo ay Keenyaatigu leeyihiin inta lagu kiciyay dib loogu celiyay Muqdisho.

Akhriste, haddii aanad la socon way fiican tahay in aad ogaato, in waxii ay mudada badan Kenya raadineysay ay hadda gacmaheeda ku haysato, waayo sida muuqato waxay maalintii shalay aheyd Kenya ku dhacday dabin siyaasadeed oo ay dowladda Soomaaliya u dhigtay, kaasoo ay adag tahay sidii ay uga bixi laheyd.

Kaddib markii ay dowladda Kenya maalintii shalay si cad ugu xad gudubtay sharafta iyo karaamada Qaranka Soomaaliyeed, mas’uuliyiin heer sare ah oo Soomaali ahna ay ciidooda ka celisay in ay ku dagaan, waxaa markiiba arrintaas ka dhiidhiyay madaxda sare ee dalka Soomaaliya, kuwaasoo fool xumada dhacday u gudbiyay hogaanka sare ee AMISOM iyo dowladda KENYA qudheeda.  Kaddib markii ay talaabadaan horudhaca ah, isla markaana la oran karo waa bilowga howlgalkii ay ciidamada Kenya uga bixi laheyd ciidda Soomaaliya, ayaa waxaa ilaa iyo hadda soo ifbaxay qodobada soo socda oo ka dhashay falkii foosha xumaa ee shalay wafdiga dowladda Kismaayo looga celiyay:

1. Sida la sheegay, waxaa isla maantaba Kismaayo yimid saraakiil sare oo Kenyaan ah oo laga soo diray Nairobi, kuwaasoo saraakiishii amarka ku bixisay in wafdigii dowladda ka socday in Kismaayo laga celiyo si weyn ugu canaantay.

2.  Maanta ama beri waxaa Muqdisho tagi doona guddigii ka socday IGAD ee xaqiiqo raadiska ahaa ee ay aheyd inay tagaan Kismaayo,  kaasoo maalmaha soo socda ay Muqdisho iska soo raaci doonaan wafdigii shalay Kismaayo laga celiyay iyo odayaal kasoo jeeda deegaanada Jubbooyinka kuna soo fool leh magaalada Kismaayo.

3.  Magaalada Kismaayo waxaa ka socda abaabul banaanbax weyn oo ay soo abaabulayaan aqoon yahano isugu jira rag iyo dumar si weyn uga soo horjeeda qorshaha guracan ee la rabo in maamul goboleed loogu dhiso gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, banaanbaxaas oo la filaayo in uu dhaco ugu horeyn maalinimada beri oo Arbaco.

4.  Isla maalinimada beri oo Arbaca ah waxaa la filayaa in ay si wada jir ah saxaafadda ula hadli doonaan odayaasha iyo waxgaradka inta badan beelaha kasoo jeeda Jubbooyinka, kuwaasoo Soomaalida meel ay joogto iyo caalamkaba la socodsiin doona in ay si weyn uga soo horjeedaan shirka ka socda Kismaayo ee la doonayo in lagu wiiqo midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, isla markaana qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed loogu xalaaleeyo dowladda Kenya.

Isku soo duuboo, Kenya ayaa hadda waxay u muuqataa in ay ku dhacday dabin siyaasadeysan oo ay adag tahay si ay uga baxdo.

Wararkeena danbe kala soco warar iyo barnaamijyo aan uga hadli doono hadba wixii kusoo kordha gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

—————-
Cabdi Faarax, Muqdisho/Somalia.

Source: AOL

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com