Xirnaanta Garoonka Kismaayo Waa Dhulqabsi Qaawan.By Dr. Fahiima H. Hashi

0

divide-somalia“……..Tuldo geel ahoo dhacan baad tobannaan u laysaanee;
Ma dhulkaa dhan oo tegay baan ninna dhagax ku tuurayneey?”

Cali Mire Cawaale.

Dadku Eebbe isku si uma abuurin oo isku mar wax ma gartaan. Hadda uun baan ku baraarugaynaa in ay marsadii Kismaayood gacanta Soomaaliyeed ka maqan tahay. Caawadaan ayuun baan VOA-da ka dhegaystay siyaasi Reer Waamo ah oo afka furtay oo qaylo-dhaan yeeriyey. Runta xaalku waxa weeye in ay Kismaayo iyo Jubbada Hooseba gacanta Soomaaliyeed caawa ka maqan yihiin.

In kastoo aanay maanta tollaalla’ay iyo qaata waxba kordhinayn, haddana waxaa lagama maarmaan ah in waayeelka hortiisa caanaha loogu barxaaye, aannu is-xusuusinno hawshan iyo asalkeeda.

Hadalladii Maxamed Amiin ayaa aad ii damqiyey, iguna kallifay in aan maqaalkan gaaban soo qoro. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “waxaad qarsato waa ku qarsadaan.” Intaan ka badan lama qarin karo in ay Kenya xoog ku haysato dekedda Kismaayo iyo dhamaan meelaha ay kaga sugan tahay Soomaaliya.

Dhawr toddobaad ka hor waxaa jiray guux ku saabsan rag ka mid ah nabad-sugidda Kenya oo uu horboodayo wiil uu dhalay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Kenya oo la yiraahdo Nuradin Haji in uu ku bira-tumanayey garoonka Axmed Gurey ee magaalada Kismaayo. Sida laysla werinayo Nuuraddiin wuxuu qaybiyey ergooyinkii 500 ahaa ee ay ku sheegeen in ay madaxweynaha dooran doonan. Sidoo kale waxaa la sheegay in uu si cad u handaday odayaal saluugay qayb la yarayd oo uga soo hagaagtay 500 oo ergay oo ay xalaalnimadooda guud dood weyni ka taagan tahay.

Aan u soo laabtee, maanta,  12/05/2013 ayay Kenya si rasmi ah u caddaysatay in ay Kismaayo iyadu xoog ku haysato. Waa taa sababta ay saraakiisha Kenya 45% u qaataan canshuurta dekedda Kismaayo. Sababtaa ayaa keenaysa in ay meesha ku cayiliyaan jabhadda Raaskaambooni oo ay og yihiin in aanay lahaansho u sheegan karin.

Sababta ay Kenya u diidday in ay diyaarad Maxamed Amiin sidda cagaha soo dhigto Garoonka Kismaayo, iyadoo sheeganaysa in ay ka amar-qaadanayso Sheekh Axmed Madoobe waa in aad is weydiisaa. Axmed Madoobe waa nin isagoo 40 jir ah ka yimid Itoobiya, waa nin ay walaalihii wasiirro ka yihiin dawladda Cabdi Iley ee deegaameedka Soomaalida. Waa nin aan Kenya ku oran karin sidaan ha yeelina iyo dhulkan anaa leh toona. Maxamed Amiinse waa nin Afmadow ku dhashay oo weliba ka soo jeeda Saldanada Reer Cali Sokor, ahna siyaasi caan ah oo aanay ciduna Kismaayo iyo Jubba toona ku bahdili karin.

Isku soo wada duub oo dhulka Soomaaliyeed ee Jubbada Hoose waxaa si rasmi ah u haysta dawladda Kenya oo ku soo duushay iyadoo fulinaysa QORSHIHII DONALD KIPKORIR.

Ama qabiil ku hubaysnow ama caqligaaga kaasho; dhulkan cadaw baa qabsaday, dawlad u dooddana haatan ma muuqato, oo waad og tihiin meesha ay arrimuhu cuskadeen markii ay qaar ka mid ah masuuliyiinta Soomaaliya sheegeen in aanay hawsha Kismaayo ka socota xalaal ahayn.

“…Nin dhirbaaxo quureed dugsaday; dhaqayadeed Maalye.”
Salaan Carrabey, AuN.

Hoos ka daawo dowladda Ingiriiska oo sanadii 1963-kii si sharci daro ah gobolka Soomaalida ee NFD dalka Kenya ugu dartay, iyo qaranimada Soomaaliya oo markaas 3 sano jir aheyd oo caro awgeed dalka Ingiriiska xiriirka u jartay:

Dr. Fahiima H. Hashi, 
fhhaashi@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com