War Deg Deg: Dagaal Ka Dhacay Duleedka Degmada Dhoobley.

0

dhoobleeyDhoobleey (AGGM): Wararka naga soo gaaraya degmada Dhoobleey ayaa waxa ay sheegayaan in uu dagaal ku dhexmaray duleedka degmada Dhoobleey Ciidamada Kenya iyo maleeshiyada Falaagada Al Shabaab xilli ay ku socdaalayeen deegaanno ku dhaw xadka Kenya Iyo Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dagaal culus uu labada dhinac ku dhexmaray wadada isku xirta Dhoobley iyo Libooye.

Waxaa jira warar sheegaya in ciidamada dowladda Kenya laga gubay laba gaadii ah oo kamid ahaa gaadiidka ay weeraraka ku qaadeen falaagada Al Shabaab.

Dadka deegaanka Libooye Kenya ayaa sida la sheegay waxa ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xoogan ee ay labada dhinac isweeydaarsanayeen,waxaana la sheegayaa in mid kamid ah gaadiidkaa la gubay ay la kacday miino dhulka lagu aasay.

Isku soo wada duuboo waxaa sidoo kale falaagada Al Shabaab ay weerar gaadmo ah xalay ku qaadeen degmada Mandheera ee waqooyi bari dalka Kenya, illaa haddana lama oga qasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com