Beesha Sade Oo Qaadacday Shirka Kismaayo Iyo Askarta Sirdoonka Kenya Oo Laga Dhigay Xubno Ka Socda IGAD.*Dhagayso*

0

Col Faraxaan Xusein XasanKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo aya waxa ay sheegayaan in khilaaf ba’an uu hareeyay shir ku sheegi la sheegay in lagu yagleelayo maamul goboleedka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa waxa wali ka socda kulamo lagu xalinaayo khilaafka iyo muranka ka taagan qaybsiga  Ergada beelaha daga Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe.

Beesha Sade oo wax ka dagta  Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa waxaa looga bilaabay inay ergo ahaan u qaataan 7 ergo taa oo ay marki ay ka biyo diideen haddana mar qura tirada ergadooda la gaarsiiyay 25 Ergo, beesha Sade waa ay ka biyo didieen waxa ayna ku andacoodeen in ay xaq u leyihiin tiro intaas ka badan.

Col. Farxaan Xusein Xasan oo ka mid ah  Gudiga Dhismaha Jubaland oo maanta warbaahinta la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in si weyn la iskugu hayo qaybsiga  Ergoyinka labadaas Gobol, waxaana uu edeyn u soo jeediyay  Saraakiil lagu sheegay in ay socdeen Urur Goboleedka IGAD oo ayagu  qaybinayay Ergoyinka.

Sidoo kale Col. Farxaan ayaa waxa uu sheegay in Kismaayo IGAD aysan joogin islamarkaana aysan imaan balse raggan jooga Kismaayo ay yihiin wiilal askar ah oo ka tirsan sirdoonka Kenya ayna ku sugan yihiin garoonka diyaardaha magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Col. Farxaan ayaa waxa uu sheegay qolyahan lagu shegayo in ay yihiin ergada gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ay yihiin askarta maleeshiyada Raaskambooni ee aysan ahayn ergo sax ah.

Isku soow ada duuboo Beelaha ka biyo  diidan Qaybsiga  Ergoyinka Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe ma ahan beesha Sade oo kaliyah waxaa jira beelo kala oo ay ka mid tahay  beesha  Direed iyo belo kale waxaana laga cabsi qaba hadi arinkaasi xal loo waayo in dhismaha Jubbaland uu bur bur soo wajaho madaama beelo  misaan weyn ku leh labadan Gobol ay ka biyo diideen qaabka wax u socdaan.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/Coll-Boqole-Shirka-Kismaayo.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com