Banaanbax Looga Soo Horjeedo Maamulka Faroole Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Bosaaso.*Daawo Sawirada*

0

Banaanbax boosaasoBoosaaso (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaalada Bosaaso uu ka dhacay banaabax looga soo horjeedo mamaulka Faroole, baanabaxan aya waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah xaafadaha magaalada, waxaana rasaas xoogan riday ciidamada Dowladda.

Banaanbaxa maanta ayaa ahaa mid ay dhigayeen shacabka magaalada oo iskood isu soo abaabulay, xili ay shacabka si weyn uga cabanayaan sicir bararka magaalada ka jira iyo siyaasada xukuumada Puntland.

Ciidamada dowlada gaar ahaan ciidamada Bada iyo kuwa Boliiska ayaa rasaas xoogan ka riday xaafada Laanta Hawada iyo Wadada Laamiga halkaasi oo ay ka dhaceen mudaharaadyo ay dhigayeen dad rayid ah.

Rasaasta ayaa keentay shacabku ay guryahooda galaan, halka qaar kamid ah xaafadaha magaalada ay isaga baxeen shaqaalaha hay’adaha u shaqeeya. Xaafada Laanta Hawada oo ah xaafada ay ku yaalaan inta badan xarumaha hay’adaha NGO, ayaa la arkayey saaka iyagoo halkaasi isaga baxaya qaar kamid ah hay’adaha halkaasi degenaa.

Dhinaca kale waxaa illaa iyo hada hawada magaalada Bosaaso dul heehaabeysa diyaarad helikobter ah oo ay adeegsadaan ciidamada Bada oo uu ku rakiban yahay qoriga Dhashiikaha.

Mudaharaadka maanta ayaa kusoo beegmay xili ay shaqaalaha dowlada ay ka cabanayaan mushahar dhimis ay dowlada todobaadkan ku dhawaaqday.

Arbacadii lasoo dhaafay ayey magaalada Bosaaso gadood ka sameeyeen ciidamada Darawiishta kuwaasi oo weli ku sugan magaalada Bosaaso.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa magaalada Bosaaso usoo diray Kuxigeenkiisa Gen.Cabdisamad Cali Shire oo saaka magaalada kula kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Darawiishta ee codsanaya mushaharkooda. Wadahadalkaasi oo aan weli wax natiijo ah kasoo bixin.

Banaanbax boosaaso

banaa

banaa5

banaa2

banaa4

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com