Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

tahriibayaalKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in manata ay magaalada isaga baxeen qurbajoog iyo rag lagu sheegay inay ahaayeen musharixiin.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maanta ay Doon ka raaceen dekeda magaalada Kismaayo 40 ruux oo isugu jiray qurbajoog u timid shirka Kismaayo iyo qaar kamid ah musharaxiin la lahaa waxa ay u taagnaayihiin qabashada xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Musharaxiinta iyo Qurbajoogta maanta iskaga hayaamay magaalada Kismaayo ayaa waxa ay dhabarjab ku tahay kooxihi u ololeenayay shirka waa hore fashilmay ee magaalada Kismaayo.

Shalay galinki dambe ayay ahayd marki Cumar C/rashiid iyo xubno siyaasiyiin ah oo la socda ay diyaarad ka qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyagoo ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Waxaa hubaal ah shirka ay wateen kooxaha gaarka ah ee la doonayay in Lagu yagleelo maamulka Jubbaland uu fashilmay, kadib marki shirki ka dhacay xarunta IGAD ee magaalada Addis Ababa warmurtiyeed laga soo saaray lagu sheegay in maamul usameenta gobolada dalka Soomaaliya looga danbeenayo Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Ciidamada Dowladda ee magaalada Kismaayo oo uu horkacayay Gen. Cabaas Gureey ayaa hoowlgal ciidan waxa ay maanta ku tageen deegaanka Buulo Gaduud waloow ay marki danbana dib ugu soo laabteen magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo waxaa dagan jawiga magaalada Kismaayo waloow uu waqti walba isbadali karo maadaamada ay magaalada ku wada sugan yihiin ciidamo kala ujeedo ah.

Filo dhawaan haduu Alle Idmo magacyada musharixiinta isaga hayaamay magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com