War Deg Deg Ah: Ciidamada Puntland Oo Mushaar La'aan Awgeed La Wareegay Gacan Ku Heynta Dekeda Boosaso.

0

breaking_news-620x3301Boosaaso (AGGM): Wararka naga soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Daraawiishta ee Deegaanka Sugure ee Duleedka Boosaaso ay la Wareegeen gacan ku heeyta dekeda Boosaaso,waxa ayna Joojiyeen gabi ahaan hoowlihi shaqo.

Ciidamada oo ku hubeysnaa Gaadiidka Dagaalka ayaa sida la sheegay ka Cabanayey in aan Mushaar muddo shan bilood ah aysan siin maamulka Puntland,waxa ay aad u caroodeen ka dib markii loo geeyey Mushaarkooda oo aan dhameeystirneen.

Waxaa sidoo kale  ciidamadan gadoodsan ay xireen kantaroolka magaalada waxa ayna u diideen gaadiidka inay ka baxaan magaalada Boosaaso.

Ciidamadan gadoodsan ayaa waxa ay difaac uga jireen deegaanka Sugure ee duleedka Boosaaso waxaana laga gooyay mushaarkooda 30% iyagoo mushaar ahaan amrki hore u qaadan 2 milyan oo shilin Soomaali ah, waxa ayna aad uga caroodeen in mushaarkoodi in laga gooyo 30% islamrkaan ana la siin 5 bilood.

Ciidamada Daraawiishta oo wata Gaadiid dagaal ayaa xiray wadada gasha dekeda weyn ee Boosaaso,waxaana Saacado kooban ay khalkhal geliyeen Hawlaha dekeda iyo Isu soocdka Gaadiidka ka shaqeeya gudaha Dekedda Boosaaso.

Gadoodka ciidamada ayaa waxa uu ku ekeen dekeda Boosaas waxa kale oo ay tageen Bangiga magaalada Boosaaso waxa ayna xireen gabi ahaan wadooyinka soo gala Bangiga Boosaaso waxaana laga cabsi in Iska hor imaad dhexmaro ciidamada Ilaalada ka ah Bangiga Boosaaso iyo Ciidamadan Gadoodsan.

Dhinaca kale dadka indha dheeya siyaasada ayaa gadoodka ciidamadan waxa ay ku tilmaameen mid ay suurto gal tahay in ay soo maleegeen mas’uuliyiinta mamaulka Puntland oo doonaya in ay dhaqaale uga helaan deeq bixiyeyaasha caalamiga ah, iyagoo sheegay maxaa ku soo beegay maalin kadib shirki magaalada London ee arrimaha Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo waxaa aad u kacsan xaalada magaalada Boosaaso magaaladda Boosaaso oo laga baqayo in uu dagaal dhexmaro ciidamada gadoodsan iyo ilaalada gaarka ah ee aabacsan maamulka Faroole waxaana hada socoda waan waan loogu jiro sidii Ciidanka dib loogu celin lahaa saldhigyadi ay soo baneeyeen.

Waxii Kasoo kordha warkan kala Soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com