Madaxweynaha Soomaaliya Oo London Kulan Kula Yeeshay Ganacsato Soomaali Iyo Ajaanib Isugu Jirta.*Daawo Sawirada*

0

ganac1London (AGGM): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada London ee dalka Britain ayaa ka qeyb-gallay kulan gaar ah looga hadllayay fursadaha ka jira Soomaaliya iyo sidii maal-gashi loogu sameyn lahaa oo ay ka soo qeyb-galeen ganacsato waaweyn oo Soomaaliyeed iyo tujaar ajnabi ah.
“Soomaaliya waxaan rabnaa in aan ka dhigno dal ku dhisan technologiyadda cusub oo Wadooyinka, dekedaha, Airportka iyo guryaha waa in ay ahaadaan kuwa aan ku dhisneyn cilmigii hore balse ay qasab tahay in ay ku dhisnadaan caqliga qarniga 21aad iyo casriga cusub,” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud.
Sidoo kale madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya juhdi badan ku bixisay  amniga, si markaa dalka looga dhigo meel laga sameyn karo ganacsi, fursadna u helleen kuwa doonaya in ay maal-gashadaan.

ganac2

ganac1

ganac

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com