Wararki Ugu Dambeeyay Caawa Iyo Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in gabi ahaan albaabada loo soo laabay hoolki shirka maamul usameeynta Jubbooyinka Iyo Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maanta galinki dambe ay gaareen saraakiil ka socday ciidamada Kenya hoolka shirka ayna ku wargaliyeen dadki ku sugnaa inay isaga baxaan hoolka islamarkaana laga doonayo laba arrimood oo kala ah sidan.

1- In Shirka la keeno Salaadiinta iyo Ugasyada u diwaan gashan dowladda Soomaaliya ee la yaqaanay.

2- In Ergooyinka ay warqad qoraal ah kala yimaadaan Suldaanada ama Ugaasyada beshooda ee u diiwaan gashan dowladda Soomaaliya ee la yaqaan qeexeeysana xubinimadooda.

Waxaa gabi ahaan lagu soo kala dareeray hoolka shirka uu ka socday waxaana gabi ahaan albaabada loo laabay hoolka shirká ka socday oo qufulwayn lagu jabiyay.

Sidoo kale waxaa galabta isaga baxay magaalada Kismaayo Cumar C/rashiid Cali Sharmake oo ay diyaarad u qaaday dhanka magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa magaalada Kismaayo kusoo wajahan maalinta talaada ah ee todobaadka soo socda wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD.

Dhinaca kale waxaa caawa kacsan xaalada magaalada Kismaayo, waxaana ka dhacaysa magaalada Xabad aan la garan cida rideeysa iyo ujeedka ay u ridayaan rasaastaas.

Isku soo wada duuboo waxaa fashil ku yimid shirki lagu sheegay in maamul loogu yagleelayo gobolada Jubbooyinka Iyo Gedo, waxaana la ogeeyn fashilka shirka talaabada xigi doonta ee ay qaadi donaan kooxda fashilantay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com