Fu'aad Shongole Oo Sheegay In Abu Mansuur Al-Amriiki La Dilay.

0

omar-hammamiOmar Hamaami oo loo yaqaan Abuu-Mansuur Al-Amriiki, ayaa la sheegay in la dilay, sida uu Caawa Masjid ku yaala Magaalada Buulo-Burte ee Gobolka Hiiraan ka sheegay, daaciga Al-Shabaab Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole), isagoona hadalkiisa raacsaday in Al-Amriiki ay dileen kooxo Murtadiin ah oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Sida Warkiisa laga soo xigtay Fu’aad Shongole, waxaa uu Al-Amriiki ku dhintay iska hor-imaad Ciidamo daacad u ah Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Aw-Caddi Godane iyo isaga ku dhex maray deegaan ku dhaw tuulada loo yaqaan Raama-caddey.

Omar Hamaami waa 28jir muddo ku noolaa magaalada Alabama ee dalka maraykanka, kaasi oo ay iska dhaleen Hooyo Mareykan ah iyo Aabe Syrian ah, waxa uuna Soomaaliya soo gaaray sanadkii 2006 dii, xilligaasi oo uu ku biiray kooxaha islaamiyiinta.

Al-Amriiki ayaa Muddooyinkii ugu danbeeyay waxa uu khilaaf kala dhaxeeyay Hogaamiyaha ugu sareeya Al-shabaab Axmed Godane, iyadoona dhowr jeer oo horey u sheegay in nafsadiisa ay qatar ugu jirto Kooxda uu ka tirsan yahay ee Al-shabaab.

Sidoo kale waxa uu dhawaan Al-Amriiki Boggiisa uu ku leeyahay Twitter-ka soo dhigay Sawirro muujinayay in uu dhaawac yahay, isla markaana ay dhaawacaasi u geystay Ciidamo daacad u ah Axmed Godane kadib markii ay weerar kusoo qaadeen.

CIA-da Mareykanka Qeybteeda la dagaalanka Argagixisada ayaa kal-hore Omar Hamaami ku dartay Liiska Kooxaha Argagixisada ee sida weyn loo doon doonayo, waxa ayna dhawaan balan qaaday in ciddii siisa xog ku saabsan Al-amriiki ay siin doonaa illaa iyo 5-milyan$.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com