Labo U Dhalatay Dalka Iraan Oo Xabsi Daa’in Lagu Xukumay.

0

iraan kenyaNairobi (AGGM): Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa xabsi daa’in ku xukuntay labo nin oo u dhashay dalka Iran kuwaasoo lagu helay eedo la xiriira fal argagixiso.

Ragga la xukumay ayaa waxaa kaloo lagu soo oogay dembiyo ay ka mid yihiin lahaanshaha waxyaabaha qarxa ee loo isticmaalo weerarrada bambooyinka.

Axmed Maxamed oo 50 jir ah iyo Sayed Mansour oo 51 jir ah waxaa la qabtay bishii June ee sanadkii hore, waxaana lagu helay dembiyo ay ka mid yihiin lahaanshaha 15 kg waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada kuwasoo ciidamada boliiska ee dalka Kenya ay ka heleen meel  lagu qariyay.

Garsooraha maxkamadda magaalada Nairobi Waweru Kiarie ayaa sheegay in ragga u dhashay dalka Iran sidoo kale looga shakisan yahay qorshayaal weerar bambooyin ah oo lagu qaaday magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com