Maleeshiyada Falaagada Al Shabab iyo Ciidamada Dowladda Oo Ku Dagalamay Degmada Dhoobley.

0

dhoobleeyDhoobleey (AGGM): Wararka kaa imaanaya deegaanka Dhoobley oo Gobalka Jubada Hoose aya sheegaya in xaalada deegaanka caadi ku soo laabatay Maanta kadib markii habeenkii Xalay ahaa dagaal u dhaxeeya shabaab iyo Dowladda ka dhacay .

Ciidama kala taabacsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa kenya oo joogay Deegaanka dhoobley ayaa lagu qaaday  habeenkii xaaly dagaal gaadmo ahaa oo Kooxda Alshabaab ku soo qaaday sida dad deegaanka ah noo xaqiijiyeen .

Dagaalka oo dhacay saakay waabarigii ayaa maleeshiyada falaagada Al Shabaab gacan ku haynta Magaalada qayba ka mid ah la wareegtay walow markii danbe laga saaray sida wararku sheegayaan waxana haataan caadi ku soo laabatay xaalada deegaanka.

Majiro warar intaa ka faah faahsan oo sheegaya khasaaraha dagaalka ka dhashay inta uu la egyahay hayeeshee degmada Dhoobley oo ku taala xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa hore ugu sugnaa Ciidama isku dhaf ah oo ka socda kenya iyo Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com