Madaxweyne Xassan Sheekh Iyo Wafdi Uu Hogaaminayay Oo U Dhoofay Magaalada London Ee Dalka Britain.

0

xasan sheekh dhoofitaanMuqdisho (AGGM): Madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay galinkii danbe ee maalintii shalay magaalada London ee dalka Britain, halkaasoo lagu wado in maalinti bari ah uu ka furmo shir caalami ah oo looga hadllayo arrimaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xassan Sheekh iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku sii sagootiyaygudoomiyaha baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha , Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha ciidamada, agaasimayaal ,diblomaasiyiin , qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha gobolada dalka iyo Xubno kale .
Madaxweyne Xassan Sheekh oo maalintii shalay munaasabad ka dhacday Muqdisho uga hadllay shirka London ayaa sheegay in shirka London uu ka danbeeyey kadib markii beesha caalamku ay aragtay in dowlada Soomaaliyeed oo hogaamineysa bulshada Soomaaliyeed ay muujisay horu socod muuqda iyo dadaal dhab ah oo ay ku dooneyso iney dalka kaga saarto dhibaatadii uu kusoo jiray 22-kii sano dowlad la’aanta iyo dagaalada sokeeye iney go’aansadeen iney isgarab taagaan dadka Soomaaliyeed si ay uga miro dhaliyaan dadaalkooda.
“Shirka London go’aanada ka soo baxa waxa ay noqon doonaan arin ay ku diirsan doonaan shacabka Soomaaliyeed idanka Ilaahey,waxaana hubaal ah in beesha caalamka ay ka go’an tahay iney is bar-bar taagaan dadaalka socda  kadib markii ay arkeen horu socodka aan muujinay”ayuu yiri madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirka London ayaa la fillayaa in ay ka soo qeyb-galaan madaxda ilaa 50 dowladood iyo hay’addo caalami ah, waxaana la fillayaa in uu noqdo shirkaas kii ugu ballaarnaa oo 22 sano ka dib loogu hadllo arrimaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com