Ugaaska Beesha Sade Ee Gobolka Gedo, Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Oo Kasoo Horjeestay Shirka Kismaayo Ka Socda. *Dhageyso*

0

ugaas-Maxamed-Ugaas-Cumar-300x225Muqdisho (AGGM);Ugaas Saxda ah ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo maanta asaga oo jooga Muqdisho la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ay ka soo horjeedaan shirka Kismaayo ka socdo isla markaana uu yahay shir aan wax dan ah ugu jirin bulshada Jubooyinka degta, waxaana uu Ugaasku xusay in dana gaar ah laga leeyay shirkaas.

“Ma jiro Ugaas Beesha Sade matala oo shirkaasi ka qeyb galay, wixii ka qeyb galaana nama matalaan beesha aniga ayaa u ugaas ah shirkaasna beesha weey ka warqabtaa oo wax dan ah ugu majirto, waxaana uu yahay mid dad gooni ah ay wataan” Ayuu Yiri Ugaaska Beeshe Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi.

Sidoo kale, Ugaaska ayaa sheegay in aysan taageersaneyn shirkaasi isla mar ahaantaana ay kasoo horjeedaan, inta uu ku socda qaabka hada, oo uu sheegay in dad magacyo been ah wato la’iskugu keenay, isagoo tilmaamay in beesha Sade ay ka mid tahay beelaha waaweyn ee dega Jubooyinka ayna ka qeyb aheyn shirka Kismaayo ka coda.

Ugaaska ayaa waxaa uu baaq u diray Shacabka Jubooyinka isagoo ugu baaqay in ay ka soo horjeestaan shirka Kismaayo ka socda ee maamulka loogu dhisayo goboladda Jobooyinka iyo gedo.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmeysaa kaddib markii sidaan oo kale ay horay shirka Kismaayo ka socda u qaadaceen mas’uuliyiinta gobolka Gedo ugu sareysa oo ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Kaliil oo ah barasaabka gobolka Gedo, mas’uuliyiinta Ururka Ahlu sunada Koofureed, iyo oday dhaqameedyada beesha Sade ee gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/ugaas_maxamed_ugaas_cumar_wareysi.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Hoos ka dhageyso qaar ka mid ah baaqyadii diidmada ahaa ee ay sida isdaba joogga ah shirka Kismaayo ka socda uga soo saareen oday dhaqameedyada beesha Sade ee gobolada Jubbooyinka:

Halkan Guji Kana Dhageyso Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow oo May 3, 2013 kasoo horjeestay shirka Kismaayo ka socda.

Halkan Guji Kana Dhageyso odayaasha beesha Sade ee B/dheere oo April 4, 2013 qaadacay shirka Kismaayo.

Halkan Guji Kana Dhageyso odayaasha beesha Sade ee Kismaayo oo April 3, 2013 qaadacay shirka Kismaayo.

Cabdulqaadir Nuur, Muqdisho/Somalia.

Source: AOL

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com