Saraakiisha Ciidamada Dowladda Ee Gobolka Bakool Oo Ku Hanjabay Inay Wadayaan Dagaalada Ka Dhanka Ah Falaagada Al Shabaab.

0

DagaalBaydhabo (AGGM): Taliska ciidamada meleteriga dowlada ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in qorshohooda uu yahay siiwadida dagaalada ay kula jiraan Ururka Al shabaab.

Taliyaha ciidamada dowlada ee Gobolka Bakool Cali Salaad oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay in ciidamada dowlada qorshohooda dagaal ee Gobolka Bakool uu yahay siidardargelinta dagaalada ay kala hor jeedaan Ururka Al-Shabaab inta buu yiri ciidamada Ururka Al-Shabaab ay baaqi ku yihiin qeybo kamid ah Gobolka.

Waxa uuna taliyaha ciidamada dowlada ee Gobolka Bakool sheegay in dagaalkooda ay u badeleen qaab ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, isagoona tilmaamay in cid ku gacan siineysa dagaaladaasi aysan jirin ayaga kaliyana ay ka go’antahay siiwadida dagaalada ka dhanka ah Ururka al Shabaab.

Ciidamada dowlada ayaa dagaalo xoogan kula jira Ururka Al shabaab oo ku sugan deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoona Gobolka Bakool uu kamid yahay gobolada ay dagaalada isaga soo horjeedaan ciidamada dowlada iyo kuwa Ururka al shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com