Jaaliyada Soomaaliyeed Ee London Oo Diyaargow Ugu Jira Soo Dhaweynta Madaxda Soomaaliya.

0

LondonLondon (AGGM): Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Ingiriiska ayaa ku jira diyaar-garowgii ugu dambeeyey ee ku aadan soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la filayo in saacadaha soo socda uu gaaro magaalada London ee dalka Britain.

Qabanqaabada ay jaaliyada Soomaalidu ugu jirto soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka qeygeleya shirkaasi ayaa laga dareemayaa magaalada London oo ay soo gaareen Soomaali ka kala timid magaalooyinka kala duwan ee dalkaasi.

Marka laga soo tago diyaargarowgaaasi waxaa jira Soomaali farabadan oo ka timid wadamada kale ee Yurub iyo Amerika, kuwaas oo doonaya iney ka qeybqaataan soo dhaweynta madaxda Soomaalida ee ka qeybgeleysa shirka 7-da bishan ka furmaya magaalada London kaas oo looga hadlayo dib u dhiska dalkeena.

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool wadamada dibada ayaa ku mideysan sidii ay kaalin muuqata uga ciyaari lahaayeen shirka maalinta Talaadada ka furmidoona dalka Ingiriiska.

Shirka ayaa lagu casuumay in kabadan 50 dowladood si ay u bixiyaan dhaqaale lagu taageerayo dalkeena Soomaaliya si uu dib uga soo kabto burburkii ka jiray dalka muddo 22 sano ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com