Falaagada Al Shabaab Oo Qof Rayid Ah Ku Goowracay Deegaan Ka Tirsan Gobollka Hiiraan.

0

goowracBaladweyne (AGGM): Wararka ka soo baxaya degmada Maxaas ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab ku gowraceen maanta deegaannka lagu magaacabo Teedaan nin rayid ah oo lagu magaacabi jiray Xassan Xaashi Cobolle { Xassan Raqay] oo ka tirsanaa dadka deegaannka.
Wararku waxaa ay sheegayaan in maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-shabaab qafaasheen qofka rayidka ah, kadib qoorta ka jireen, sida ay sheegeen ama warbaahinta u xaqiijiyeen dadka ku dhaqan deegaannka Teedaan oo xiriir kala duwan lala sameeyay.
Lama oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee keenta in maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab gowraacan qofka rayidka ah ee ka mid ahaa dadka deegaannka Teedaan, hasse ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya ay ku eedeeyeen in uu xiriir hoose la lahaa maamulka gobollka Hiiraan.
Dadka ku dhaqan deegaannka ayaa siweyn ugu xumaaday falka ay kula kaceen qofka rayidka ah maleeshiyada Al-shabaab, iyaga oo sheegay in ay tahay arin qeyb ka ah dhibaatooyinka kala duwan oo ay kooxda ku hayaan dadka rayidka ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com