Fowziya Yuusuf Xaaji "Waxay Isku Raaceen Madaxda IGAD In Dowladda Soomaaliya Looga Danbeeyo Arimaha,Dhisida Maamulada Dalka Iyo Qorsheynta Xasilinta Ammniga".

0

Fowsiyo-MuqdishoMuqdisho (AGGM): Wasiirka arrimaha dibedda ee Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay iney guul kala soo laabatay shir madaxeedkii urur goboleedka IGAD  ee lagu soo gabagabeeyey magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya ahna R/wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dalka kusoo laabatay kadib markii ay ka qaybgashay Shirka wasiirada arimaha dibada IGAD ayaa sheegtay iney guul la taaban karo ay dowlada Soomaaliya kala soo hoyatay Shir madaxeedkii IGAD ee kusoo dhamaaday magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Fowziya Yuusuf Xaaji oo shir Jaraa’id ku qabatay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay guul weyn kasoo gaartay shirkaasi,waxayna sheegtay in dhammaan dalabaadkii dowladda Soomaaliya ay meel mariyeen madaxda urur goboleedka IGAD.

“Madaxda IGAD  waxa ay isku raaceen in dowladda Soomaaliya looga danbeeyo arrimaha dhisida maamulada dalka iyo qorsheynta xasilinta amniga Soomaaliya, arrintasina waa guul aan ku talaabsanay ” ayey tiri wasiirka arimaha dibadda dowladda Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo war-saxaafadeed kasoo baxay gabagabadii shir madaxeedki urur goboleedka IGAD ayaa lagu go’aamiyey in dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh looga danbeeyo  dajinta qorshaha xasilinta amniga dalka iyo dib u dhiska Soomaaliya IGAD-na ay taageero la garab istaagi doonto habka ay dowladda u dooneyso maareynta amniga iyo dhisida maamulada dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com