QM Oo Sheegtay In Dad Gaaraya 260,000 Ay Ku Dhinteen Abaartii Ku Dhuftay Soomaaliya 2011-kii.

0

abaarMuqdisho (AGGM): Qaramada Midoobay ayaa  warbixin cusub oo  ay soo saartay ku sheegtay in dad kor u dhaafaya 260,000 kun oo qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen abaartii iyo macluushii Soomaaliya ka dhacday sanadkii 2011.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka dhintay 133,000 oo ka tirsanaa ay ahaayeen carruur ay da’doodu ka yar tahay 5 sano .

Warbixinta ayaa lagu sheegay in meelaha ugu daran ee ay dadku ku dhinteen ay tahay gobolka Shabeellaha hoose oo siddeed iyo toban boqolkiiba ay carruurtu u dhinteen nafaqo-darro.

Saraakiisha QM ayaa tilmaamaya inkastoo ay beesha caalamku ka digtay arrintan in haddana macluusha ay sabab u aheyd roob-kii oo la waayayy iyo beesha caalamka oo ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatadii baahsanayd.

Gaar waxaa ay QM siweyn u eedeysay kooxda Al-shabaab oo la sheegay in ay siweyn isaga dhaga-tireen jiritaanka abaarta, iyago ka mannuucay deegaannada ay maamulaan hay’addaha samafalka, tirada ugu badanna dadka dhinta waxaa ay  la sheegay in ay ku noolaayeen deegaannada Al-shabaab gacanta ku hayaan.

Sidoo kal, waxaa jirta digniin la xiriirta in wali macluushii ama nafaqa darrada caruurtu tahay mid taagan, gaar ahaan marka la eego xeryaha barakacayaasha Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka oo ay ku jiraan caruur nafaqa darro la soo darsatay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com