Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qudbeeyay Shirkii Madaxda IGAD.

0

madaxweyne xasan sheekhAddis Ababa (AGGM): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay shirka madaxda waddamada Urur-goboleedka IGAD oo maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo madasha shirka qudbad ka jeediyay ayaa madaxda u sharraxay qorshaha xasillinta dalka, maamul u sameynta gobollada, nidaamka federaalka, dib-u-habeynta dastuurka, guulaha iyo dedaallada horumarineed ee dowladda federaalka ay ka sameysay dalka muddoyinkii ugu damabeeyay.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale madaxda waddamada Urur-goboleedka IGAD uga warbixiyay hannaanka uu u dhicidoono shirka 7-da bishan ka fumraya dalka Ingiriiska.

Madaxweynayaasha waddamada Urur-goboleedka IGAD ayaa si weyn u soo dhaweeyay shirka arrimaha Soomaaliya ee magaalada Lonodon, waxayna muujiyay inay u hayaan taageero weyn, islamarkaasna sheegay inay qeyb weyn ka qaadan doonaan meel marinta go’aamada ka soo baxa shirka.

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com