Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qaybgalaya Shirka IGAD Ee Addis Ababa.

0

xasan sheekh maxamuud1Addis Ababa (AGGM): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalaya shirka madaxda waddamada Urur-goboleedka IGAD oo maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ee Addis Ababa jooga ayaa Bar-kulan u sheegay in shirka lagu soo qaadi doono arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan shirka London ee arrimaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu qudban ka jeedin doono madasha, isla markaana uu sharraxaad ka bixin doono shirka 7-da bishan ka fumraya dalka Ingiriiska.

Yariisow wuxuu xusay in madaxweynaha uu IGAD u bandhigi doono qorshaha xasilinta dalka iyo maamul u sameynta gobollada, nidaamka federaalka iyo dib-u-habeenta dastuurka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in maanta gelinka dambe ay dib ugu noqdaan Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa xalay Addis Ababa lagu soo gabagabeeyay shirka wasiirrada urur-goboleeda IGAD oo horudhac u ahaa shir-madaxeedka waddamada gobolka.

Wasiirradii ka qaybgalay ayaa taageeray horumarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada nabadda iyo siyaasadda.

Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa Soomaaliya uga qaybgashay shirka oo ka qaybgaleyaasha uga warbixisay xaaladda guud ee dalka.

Waxay wasiirada IGAD soo dhoweeyeen shirka arrimaha Soomaaliya ee London ka furmaya, kaas oo ay caalamka ugu baaqeen inay si dhab ah ugu soo jeestaan wax u qabashada Soomaaliya oo u baahan in laga taageero amniga, dhaqaalaha iyo garsoorka.

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com