Sir Ka Fakatay IGAD: Qaabka Maamul Goboleedka Jubbaland Loo Qeybsanayo.

0

balckAkharistayaasha webkaan, waxaan maanta idiin soo gudbinaynaa XOG LAGA HELAY XAFIISKA URUR GOBOLEEDKA IGAD ee Nairobi, xogtaas waxay sheegaysaa qaabka loo qaybsanayo maamulka Jubbaland State.Qodobada lagu heshiiyey waxaa ka mid ah sida hoos ku qoran xogtaan laga helay xafiiska urur gobaleedka IGAD oo ay fududeeyeen qaar ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya:

1-)  Marka koowaad waa inuu madaxwayne ka noqdaa jubbaland nin kasoo jeeda beesha OGAADEEN si uu u fududeeyo danaha ay ka leeyihiin wadamada dariska iyo shirkadaha caalamiga ahba ee danaha gaarka ah ka leh biyaha jubbaland.

2-)  Ninkaas oo lala galay heshiis qodo dheer muddo badana laga dhaadhiciyey danaha wadamada dariska iyo shirkadaha caalamiga iyo danahiisa gaarka ahba.

3-)  Heshiiska waxaa ka mid ah inaan lawada xorayn gobolada jubooyinka waayo hadii la xoreeyo waxaa soo baxaysa in ay yimaadaan ciidamo badan oo ay leedahay dawlada federaalka soomaaliya taasoo awood u yeelan karta inay is hortaagto danaha wadamada dariska qaarkood iyo shirkadaha caalamiga ee horey heshiis qarsoodiya ula galay shaqsiyaadka ay doonayeen inuu madaxwayne ka noqdo goboladaan jubooyinka.

4-)  Heshiiska waxaa ka mid ah inaan ODAYAASHA beelaha soomaaliyeed la tusin dastuurka dhabta ah ee lagu qanciyo dastuur laga soo minguuriyey meelo kale laakiin uusan ahayn kii dhabta ahaa si aysan uga didin ama  uga  biyo diidin  loogana gudbi karo ansixinta  dastuurka qasoodida ah ee aan  loosoo bandhigin,mana jirto cid aragtay marka laga reebo shaqaalaha xafiiska IGAD ee nairobi iyo wadamadii danaynayey   iyo  shirkadihii  soo diyaariyey iyo waliba NINKA loo diyaariyey inuu madaxwayne ka noqdo jubbaland state.

Intaas ka dib waxaan halkaan kusoo bandhigaynaa sida dhabta ah ee loo qaybsaday maamulka ugu sareeya ee jubbaland state:

1-)    Madaxwaynaha maamul goboleedka Jubbaland State (Ogaadeen)
2-)    Madaxwayne ku xigeenka koowaad (Gaaljecel)
3-)    Madaxwayne ku xigeenka labaad (Cawromaleh)
4-)    Madaxwayne ku xigeenka sedexaad (Mareexaan)
5-)    Gudoomiyaha baarlamaanka (Majeerteen/Ciise Maxamuud)
6-)    Gudoomiye ku xigeenka koowaad (Bartire/Absame)
7-)    Gudoomiye ku xigeenka labaad (Baajuun)
😎    Gudoomiyaha gobolka jubada hoose (Ogaadeen)
9-)    Gudoomiyaha gobolka jubada dhexe (Ogaadeen)
10-)  Gudoomiyaha gobolka Gedo (Mareexaan/Faqiyaaquub)
11-)   Gudoomiyaha degmada Kismaayo (Majeerteen)
12-)  Gudoomiyaha degmada Bu’aale (Ogaadeen)
13-)  Gudoomiyaha degmada G/hareey (Mareexaan/Reer Garaad)
14-)  Caasimada dawlad goboleedka waa Bu’aale waana lama taabtaan
15-)  Baarlamaanku waa 65 xubnood waxaana laga soo xuli doonaa 15 degmo oo kala ah:

A- Kismaayo 7 xubnood
B- Bu’aale  6  xubnood
C- G/hareey 4 xubnood, iyo degmooyinka kale oo leh min 4 xubnood.Waxaa baarlamaanka soo xulaya madaxwaynaha.

Golaha wasiirada waa 10 wasiir waxaana loo qaybsaday sidatan:

1-)   Wasiirka arimaha dibada (Ogaadeen/Cawlyahan)
2-)   Wasiirka Gaashaandhiga (Majeerteen/Cumar Maxamuud)
3-)   Wasiirka arimaha gudaha (Jareer wayne)
4-)   Wasiirka dastuurka (Mareexaan/reer Diini)
5-)   Wasiirka macdanta iyo biyaha iyo qayraadka badda (Reer Aw-xasan)
6-)   Wasiirka isboortiga iyo isgaarsiinta iyo shaqaalaha (Baajuun)
7-)   Wasiirka Dalxiiska iyo duurjoogta (Hawiye)
😎   Wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiska (Dhulbahante)
9-)   Wasiirka warfaafinta (Awrtable)
10-) Wasiirka maaliyada iyo lacagta (Laylkase)Intaas waxaa ku dhamaaday qaybsigii wasiirada sida loogu tala galay ee loo qorsheeyey.

Awooda madaxwaynaha ma ahan baarlamantry, isaga ayaa waxuu awood u leeyahay inuu saxiixo dhamaan heshiisyada caalamiga ah iyo mid heer dawladeedba iyo inuu magacaabo ciduu danaynayaba.

Hadaba sidaas darteed ayaa keenaysa in la boobsiiyo dhismaha maamul goboleedka jubaaland state si aan loogu helin waqti ku filan oo ay umadda ku dhaqan gobolaas uga fekeraan waxa dastuurku yahay ma mid ay ku heshiiyeenbaa dadka ku dhaqan goboladaas jubooyinka mise waa mid meel kale looga keenaybaa iyo in la sameeyo dib u heshiisiin dhab ah si ay u timaado awood qaybsi lagu wado kalsoon yahay.

—————-
A/A/Kulmiye
A.a.kulmiye@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com