Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD Oo Ka Furmaya Maanta Addis Ababa Ethiopia.

0

IGADLogoAddis Ababa (AGGM): Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD oo dib u dhacyo badan ku yimid ayaa maanta waxa uu ka furmayaa Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia.

Shirka waxaa Soomaaliya ku matalaya wasiirka arrimaha dibada Fawziyo Yusuf Xaaji Aadan , waxaana shirkaasi xoogiisa looga hadli doona Arrimaha Soomaaliya hada kajira.

Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD ayaa ka doodi doona kana sheegeysan doona arrimaha ku saabsan maamul u sameynta Soomaaliya iyo sidiii dowladda looga caawin lahaa arrimahaasi.

Dad badan ayaa ku jaha wareersan IGAD iyo faragalinteeda Soomaaliya iyadoo wali arrimaha Jubooyinka maamul u sameyntooda la isku dhaafi la’yahay.

Si kastab shirkan ka furmaya Magaalada Addis Ababa ayaa go’aamada iyo arrimaha ka soo baxa la arki doona iyo dowladda Soomaaliya aysan wali ku qanacsaneyn sida IGAD wax u wado.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com