Prof: Jawaari Oo Hay’adaha Samafalka Iyo Dadka Wax Heysta Ugu Baaqay Iney Gargaar U Fidayaan Dadka Fatahaadahu Saameeyeen.

0

jawaariAnkara (AGGM): Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo Hay’adaha samafalka iney gargaar u fidiyaan dadka ay saameynta ku yeesheen fatahaadaha wabiga Shabelle ee ku nool gobollada Dalka.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “runtii fatahaadda uu sameeyey wabiga Shabelle waa qeyb ka mid ah masiibooyinka dabiiciga ah waxaanna dareenkeeyga la qeybsanayaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo shabeelooyinka oo ay si gaar ah fatahaadahan u saameeyeen”.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in looga baahanyahay dhammaanba hay’adaha Samafalka ee ka howlgala gudaha dalka,kuwa caalamiga ah,dalalka Soomaaliya saaxiibada dhow la ah iyo dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iney gurmad deg deg ah u fidiyaan dadka ay fatahaaduhu saameynta ku yeesheen ayadoo gurmadkaasina uu ugu horeeyo dib u dejin loo sameynayo dadkii ay fatahaaduhu guryahooda ka baabi’iyeen.

“ugu dambeyntii anigoo maskaxda ku haya sida ay dadka Soomaaliyeed xiligan oo kale oo ay masiibooyinka dabiiciga ah dhacaan isugu gargaaraan waxaan mar labaad iyo mar seddexaadba ku boorinayaa umadda iney walaalahooda il gaar ah ku eegaan islamarkaana qof walba uu wixii uu heli karo la gaaro waayo maanta oo kale ma ahan markii dhibaatada la isaga aamusi lahaa” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com