Golaha Wasiirada Oo Ansixiyey Taliyeyaasha Amniga Iyo Qorshaha Maamulka Maaliyada Dalka.*Daawo Sawirada*

0

rs2Muqdisho (AGGM): Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayay maanta ku gorfeeyay dib-u-habaynta maamulka maaliyadda, waxayna asnixiyeen magacaabista taliyayaha Nabad Sugida Qaranka Jen. Bashiir Maxamed Jaamac iyo Taliyada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabidxakin Daahir Saciid “Saacid”.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdishakuur Cali Mire oo saxaafada la hadlay shirkii Golaha Wasiirrada kadib ayaa sheegay in goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay taliyeyaasha booliska iyo nabad sugidda qaranka, kadib markii ay magacaabistooda gollaha u soo gudbisay Wasaarada Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka.

“Waa labo Jeneraal oo dalka laga yaqaan, aad baana Soomaalinimadooda, aqoontooda iyo hawl karnimadooda ugu kalsoonahay, waxaana ku kalsoonahay inay horseedi doonaan isbadal iyo horukac dhanka amniga dalka laga gaaro,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Dhanka kale goluhu wuxuu si buuxda isugu raacay barnaamijka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda – DMM ee loo yaqaan (Public Financial Management – PFM) oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyaddu. Barnaamijkan ayaa lagu nidaaminayaa laguna xakamaynayo maamulka dhaqaale ee dalka afarta sano ee soo socota. Waxaana fulintiisa waxaa ku baxaysa 26 milyan oo Dooolar.

DMM ayaa lagu hormarinayaa maamul wanaaga dhinaca maaliyadda oo ay ka mid yihiin;- habaynta miisaaniyadda qaranka, taas oo ay ku lamaansan yihiin aruurinta dakhliga, horumirinta xafiiska xisaabiyaha guud, hanti dhowrka guud, iyo horumarinta wada shaqyanta baarlaamaanka iyo hay’adaha maaliyadda. Waxayna wasaaradu ku tilmaantay barnaamij hufan oo si cad layskula xisaabtami doono, ayadoo laga hortagayo maamul xumada iyo musuq-maasuqa isla markaana sare loogu qaado dakhliga soo gala dawladda.

“Waa qorshaha cusub ee aanu ku soo noolaynayno maamulka maaliyadda ee aas-aaska u ah dhaqaaleheena iyo dawladnimadeena, waana barnaamij waqtiga la socda oo lagu tayeeynayo laamaha maamulka dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ugu danbayntii, barnaamirkaan dib-u-habaynta dhaqaaluhu wuxuu saldhig u yahay qorshaha lixda qodob ee tiirarka siyaadda dawladda ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.

DHAMAAD

rs2

rs1

rs

rs3

rs4

Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
E-mail: media@opm.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com